Maaweelis weeye warka Xamar

Qof kasta oo Soomaali ah, Madax iyo Shacab , Wadaad iyo Waranlle , War aqoon iyo Wax-aqoon , yar iyo wayn , ciroole iyo caana nuug , heerkay doonto ha joogto garashadiisee , qofka maanta ku taamaya in guud ahaa Reer Galbeed iyo Gunta Carbeed ay wax tar la maagan yihiin Soomaali waa qof maan gaab ah caqli ku filanna aan lahayn .

100 sano oo soo socota hadday Dawladda Soomaaliyeed kaba qaad u noqoto Reer Galbeedka raalina galiso guta Carbeed ee ku xayndaabka ah lagama yaabo inay intay doonto ha le’ekaatee xirfadaha iyo qalabka nabad sugineed xitaa ka iibiyaan xoolo badanna dhaafsadaan , in hay’adaha xalane dagan laga sugo sida loo ilaalinayo shacabka Soomaaliyeed waa gaf laga galay Qaranka Soomaaliyeed .

Waxaa dharaar dhawayd ilasoo xiriiray Nin Madax horay u ahaa dhawaanahan, markuu xafiiska joogay dhawr jeer ayaan talo iyo tusaalayn la maagay , waxaan kula dooday , Qof aadan dhaawaciisa dabiibayn , dhalaankiisa wax barayn , xoolihiisa aadan ilaalinayn , xurmada aqalkiisa aad ku tumanayso , kolba kan shilinka haysta aad ka raacayso , kaniin dhacay iyo Caana Booro been abuura u ogalaatay inay ka iibiyaan kuwa damiirka doollarku ka dhaawacay , sideed qofka aad sidaas u gumaysay aad uga filataa inuu gacan ku siiyo kaana celiyo cidda maagan geeridaada inay soo dadajiyaan ?

Inta igu qoslay ayuu yiri waryaa Xiirane  xagay kaa heleen Argagaxisada waa adiga warkii dawlad diidka shubayee !! intaan caradaydii iska qarsaday ayaan ku iri Mudane haddii intaa Argagaxiso lagu noqonayo waa ii sharaf, hadalkaas hadduu Dawlad diid yahayna haattan ayaan u xaydanayaa duminteeda , warkanagii oon micne lahayn meelahaas ayuu ku iba beelay.

Xafiiskii ayaa la eryay muddo ka dib , wuxuu iiso diray qoraal dheer oo dhaliil iyo dhaleecayn uu dusha kaga tuurayo qaarkii cariyay asagoo ku eedaynaya inay diidan yihiin in dalka loo shaqeeyo , sidoo kale wuxuu sheegtay inay yihiin gar maqaatayaal aan qaadan talada wanaagsan wuxuu ku dooday inaysan maqlin qaadanna talada Soomaalida oo ay u dhawaga wadan yihiin shisheeyaha iyo cadawga umadda .

Qoraalkiisa oo iila muuqday mid uu ku cara baxay isla wuxuu tusaaleeyay sida ay madaxdu isaga indha saabaan badeecadaha dhacay iyo kuwa been abuurka ah ee laga soo dajiyo Dakadaha iyo Garoomada dalka , ‘’ Xiiranoow ka warran haddii wax barashada Dalka loo hoos fadhiyo Gabar Shisheeye ah oo30 jir ah oo Xalane ku raaxaysata qoraxda ay ka wayday dalkeedii ‘’ asagoo ii sii sharaxaya ayuu qorayaa maxay la shaqayn la dahay waxbarashada dalka waxaa baadidii la yiri doon cid aan doonayn inaad waligaa hesho .

Dulucda waxaan uga gol leeyahay , Markuu ahaa Madaxda waliba qaarka awoodda u leh inay dhaqaajiyaan wuxuu ku dhaliilay qaarka ku haray , uma muuqan dhaliilaha iyo ceeba curyaaminta ah ee habsatay Soomaali , markii laga soo dhex tuuray ayuu gartay gafafka muuqda ee madaxda ka qarsoon ama ay iska qariyaan .

Waxaa lagu koobay shaqadii ay qaranka u qaban lahaayd hay’adda amaanka inay aqalada u dhacaan markuu habaynku bar tago , si loo argagaxiyo shacabka laga oomiyay adeeggii uu ka mudnaa Xukuumadda , talooyinka noocaas ahna ma filayo inay ka timid  masuul wax garad ah oo garanaya waxay tahay shaqadiisa ,

Ugu danbayn haddii aan wax laga badalin qaabka shaqo ee Hay’adda nabad galyada si xilkasnimo ahna aan loo adeegsan awooddaas , waxaa hubaal ah inaan sanado badan sagootin doonno qaar badan oon jeclayn oo ku nafwaayay qarax iyo qolo aan la ogayn ayaa dishay .

F. Xiirane (NSS 1976-1991)

fahiira@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid