Liiska siyaasiyiinta mucaaradka ay dowlada Kenya ka xanibtay ku safarka baasaboorada

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa shaacisay liiska Siyaasiyiinta mucaaradka ee laga Xanibay baasaboorada ay heystaan in ay ugu Safraan Dibada.

Liis ay ku xardhan yihiin Siyaasiyiin caan ah, oo ay soo daabacday Laanta Socdaalka ayaa waxaa ka dhexmuuqda Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka NASA kuwaa oo kala ah:

1-Barasaabka Ismaamulka Mombasa Mr Hassan Joho Mudanaha Aqalka odayaasha u Matala Siaya SJames Orengo iyo Santarkii Hore ee Machakos Johnson Muthama.

2-Madaxa Qorsheynta Dhanka siyaasada u Qaabilsan Mucaaradka Mr David Ndii.

3-Maal Qabeen Lagu Magacaabo Jimi Wanjigi oo si dhow ula shaqeeya Hogaamiyaha NASA.

4-Waxa ay dowladu magaalada Nairobi ka tarxiishay Siyaasiga Miguna Miguna oo qeyb ka ah mucaaradka NISA kaa oo loo tarxiilay dalka Canada oo uu ka heysto dhalasho.

Gordon Kihalang’wa oo ah Agaasimaha Laanta Socdaalka ayaa Sheegay in arintaan ay uga gol leeyihiin ka jawaabida talaabada uu mucaaradka ku dhaariyay Odinga iyo isgarabtaaga ay xubnahaasi u sameeyen.

Agaasimaha Laanta Socdaalka, ayaa sheegay inay Cuskadeen Dastuutka Dalka Cutubkiisa 2011-aad ee Qeexaya in baasaboorka laga qaadi karo muwaadin kasta oo lagu helo danbi lidi ki ah Qaranimada.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadan ayaa soo degdegtay tan iyo wixii ka danbeeyay goortii uu Mr Raila Odinga 30 Bishii la soo Dhaafay iskugu Dhaariyay in uu Yahay Madaxweynaha Dadka Kadib Xaflad ay Mucaaradka ku Qabteen Beerta Xoriyada ee Magaalada Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com