Sawirro: Sidee ayuu u qabsoomay qeybta uu RW Kheyre ka shir guddoomiyay Shirka Amniga

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoomiyey fadhi ka mid ah Shirka Amniga Qaranka oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xiggeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiiro iyo La Taliyeyaal Arrimaha Amniga iyo Doorashooyinka.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay hanaanka ay u dhaceyso doorashada dalka sanadka 2020, Dib u eegis lagu sameynayo Dastuurka dalka, Xasillinta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed.

Kulanka maanta ayaa waxaa warbixino looga dhageystay Madaxda Maamul Goboleedyada, Xubnaha Arrimaha Dastuurka iyo Doorashooyinka, iyada oo sidoo kale shirkan looga dooday arrimaha amniga oo diirada lagu saaray sidii Ciidamada Qalabka Sida ay ula wareegi lahaayeen ammaanka dalka.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada marka ay yeelanayaan shirarka nuucaan oo kale ah waa u caado iyo dhaqan in ay mudo kororsi ku sameystaan maalmaha loogu tala galay inuu shirka socdo.

Shirkan oo shalay ka furmay Muqdisho ayaa qorshaha waxa uu ahaa in laba maalmood uu socdo oo maantana la soo gaba gabeeyo, balse ma aanay dhicin, sida muuqatana maalmo kale ayuu qaadan doonaa, maadaama berri Muqdisho looga dabaaldegayo 8-da Febraayo oo ku beegan markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo noqonaya midkii 6-aad oo Goluhu yeesho tan iyo markii lagu dhawaaqay, ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobbo muhiim ah, oo ay isku raacsan yihiin xubnaha ka qeyb galaya.