Macaawisleyda oo dagaal ku qabsaday deegaan cusub

Buurweyn (Caasimada Online) – Ciidamada Macaawisleyda ee gobolka Hiiraan ayaa maanta weerar culus ku qaaday deegaanka Buurweyn oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo fariisin u aheyd muddo badan kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac uu dagaal kooban ku dhex-maray irida hore ee deegaankaasi, ayada oo kadibna xubnihii Al-Shabaab ee halkaasi ku sugna isaga baxeen. 

Saraakiisha horkaceysay ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macaawisleyda oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa dhankooda sheegtay inay jab xoogan dagaalkaas ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, ayna si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Buurweyn.

Sidoo kale waxay sheegeen inay sii wadi doonaan howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, illaa inta laga xoreynayo guud ahaan dalka.

Howl-galada dagaal ee socda ayaa waxaa muddooyinkii dambe laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen deegaano horleh, kuwaasi oo sanado badan ay maamuleysay kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa hadda dhowr deegaan oo kooban kaliya kaga haray maamul goboleedka HirShabeelle, waxaana wararka ay sheegayaan in laga wada xoreyn doonto toddobaadyo gudahood.

Al-Shabaab ayaa laba maalmood kahor laga qabsaday degmada Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhiggooda ugu weyn ee gobolka, waxaana ay gobolkaas hadda kaga hareen oo kaliya Ruun-Nirgood.