BIIXI oo shuruud ku xiray wadahadal uu la galo Xasan, kadibna u baxay Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, isaga oo dhinaca kale shuruud adag ku xiray wadahadal uu la galo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Booqashada madaxweynaha Somaliland ayaa waxa ay qaadan doontaa maalmo kooban, sida ay shaacisay xarunta madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa madaxweyne Muuse Biixi safarkan ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Ciise Maxamuud Keyd iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda sare ee Jabuuti oo uu ugu horreeyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Socdaalkan wuxuu kusoo aadaya, xilli haatan Jabuuti uu ku sugan yahay madaxweynaha dowladda federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalin kahor soo bandhigay qorshihiisa ku aadan wadahadalka Somaliland.

Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland oo kahor inta uusan u bixin Jabuuti la kulmay wakiilada Turkiga iyo Norway u qaabilsan wadahadallada labada dhinac ayaa miiska soo saaray shuruudo uu ku xiray wadahadallada la qorsheynayo in markale dib loo bilaabo.

Halkan hoose ka aqriso:-

1. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa in la helo hanaan laba dawladood iyo xal ku dhamaada laba dawladood kala madax-bannaan, sababtoo ah waxaanu ahayn laba dawladood oo xor ah oo iskood u midoobay 1dii july, 1960. Balse kala noqday 1991-kii, waxaana intaa dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee la soo dhaafay ahayd dawlad madax-bannaan oo ku nool nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hir-gelisay wareegyo badan oo doorashooyin xor iyo xalaal ah. Somaliland waxa ka dhacay shan (5) xilwareejin madaxweyne oo nabad ah. Saddex ka mid ah iyaga oo loo marayo doorashooyin toos ah ayey qabsoomeen.

2. Dhammaan heshiisyadii hore waa in la ixtiraamaa oo la hir-geliyaa si degdeg ah, tani waa habka kaliya ee lagu dhisi karo kalsoonida.

3. Waa in uu jiraa hannaan dhexdhexaadin ah oo caalamiya (International mediation mechanism) oo dammaanad qaadaya fulinta natiijada ka soo baxda wada hadalka.

4. Waa inay jirtaa xoghayn maamusha kaydinta xogta, isla markaana Xoghayntu waa inay ku si fawdo dhex-dhexaadnimo, isla markaana ay u leedahay karti iyo xirfad hawshan.

5. Waa inuu jiraa mabaadi’dii (principles) muhiim ah iyo xeer-dhaqan (code of conduct) oo hanaanka wada-hadalku saldhig u noqon doono.

6. Waa in uu jiraa Ajende cad oo qeexaya khilaafka u dhexeeya labada dhinac, si looga wada wada-hadlo arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka.

7. Wadahadalku waa inuu ku soo gebegaboobo waqti xaddidan.