Macalin Maxamuud iyo R/W Kheyre oo isku dhacay iyo ciidamada Ahlu Sunna oo tallaabo adag qaaday

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ahlusunna ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidankaan ayaa meesha ka saaray Ciidamo isku dhaf ah oo dhawaan la geeyay Garoonka Diyaaraddaha Magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo isugu jira Boolis iyo Milatari kala socday Ciidanka Sunna iyo kuwa dowladda.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka Ahlu-Sunna ay diideen in ciidamo hubeysan oo ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya la geeyo Magaalada Dhuusamareeb, taas badalkeeda ay Amniga Magaalada ku sugi doonaan Ciidankii dhawaan la qarameeyay.

Hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud ayaa diiday in Ciidamo laga qaado Muqdisho laga geeyo Magaalada Dhuusmareeb,islamarkaana uu jiro Khilaaf ka dhex taagan Kheyre iyo Madaxda Ahlusunna ee ku sugan Dhuusamareeb.

Waxaa socda dedaalo la doonayo in ciidamada garoonka heysta laga saaro si dib loogu soo celi dhaq dhaqaaqii maalin laha ahaa ee ka socday.

Wixii warar ah ee ka soo kordha halkan ayaad kala socon doontaa Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
caasimada@live.com