Macallimiintii dugsiyada Galmudug oo hubka qaatay, iclaamiyey dagaal + Sawirro

Guriceel (Caasimada Online) – Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka ee Magaalada Guriceel qaarkood ayaa hubka qaatay, waxayna sheegeen inay u istaaggeen difaacidda Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.

Macalimiintan oo hubka qaatay ayaa galabta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Guriceel, iyagoona sheegay inay garab taagan yihiin Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, oo Jimcihii la wareegtay gacanta ku haynta magaaladaasi.

Waxay sheegeen muddadii Ahlu Sunna ka maqneyd Gobolada Dhexe in Shabaabkii aan ku dhiiran jirin inay yimaadaan deegaanada Galmudug ay muddadaasi culeys weyn soo gaareen dhulka Galmudug, isla-markaana ay la wareegeen inta badan deegaanada hoos yimaada magaalooyinka.

Hadafkooda ayay ku sheegeen inay la dagaalamaan waxa ay ugu yeereen Khawaariijita, isla-markaana aanay duulaan ku ahayn Dowladda Federaalka iyo Galmudug, toona.

Ciidamadii Galmudug ee Guriceel ku sugnaa ayaa qaybtood shalay galab isku dhiibay Xoogaga Ahlu Sunna, halka qaarkii kalena ay u ruqaansadeen dhanka Magaalada Dhuusamareeb.

Dib u qabsashada Ahlu Sunna ee Magaalada Guriceel ayaa imaanaysa, xilli bishii November ee sanadkii 2019 ay magaaladaasi ku wareejiyeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug.