Barakac ka socda Guriceel iyo wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda GALMUDUG

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay, illaa saaka uu barakac xoogan ka socdo magaalada Guriceel ee gobolkaasi, taas oo ay Jimcihii la soo dhaafay ay la wareegtay Ahlu Sunna Waljamaaca.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa bilaabay inay isaga barakacaan guryahooda, iyaga oo cabsi ka qabo in dagaal uu ka dhaco Guriceel, maadaama laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Dadka haatan ka barakacaya Guriceel ayaa gaaraya deegaanada ku xeeran degmadaasi, waxayna u badan yihiin caruur iyo haween, sida ay inoo sheegeen ilo wareedyo muhiim ah.

Xaaladda guud ayaa marka la eego yare deggan, hayeeshee labada dhinac ayaa wada baabul xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Ahlu Sunna ayaa sidoo kale Guriceel ku soo bandhigtay Macalimiin hubka qaatay, kuwaas oo ka soo muuqday warbaahinta, halka Dhuusamareeb laga dajiyey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo loogu tala-galay inay xoojiyaan kuwa haatan ka how-gala Galmudug.

Xiisaddani ayaa ka sii dartay, markii Ahlu Sunna ay la wareegtay magaalooyin ka tirsan Galmudug, waxaana ugu dambeeyey deegaanka Ceeldheere oo u dhow Dhuusamareeb.

Si kastaba, soo rogaal celinta Ahlu Sunna ayaa xaalad horleh ka abuurtay Galmudug oo horey dagaal kula jirtay Al-Shabaab oo weli heysta deegaano ka tirsan maamulkaas.