Daawo: Habar-Gidir oo war kasoo saartay DAGAALKA Ahlu-Sunna iyo Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Hoggaaminta Habargidir Prof. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac, ayaa ka hadlay colaadda ka soo cusboonaatay deegaanada Galmudug, isagoo dalbaday in goobihii ay qabsatay Ahlu-Sunna dib loogu soo celiyo gacanta dowlad goboleedka Galmudug, kadibna la isugu tago miiska wadahadalka.

Prof. Shirwac ayaa hoggaanka Galmudug ku dhaliilay sababta uu uga hor-tegi waayey qatartaan ku soo wajahneed maamulka, “Lama qaadan karo maamulkaas curdunka ah ee hiigsigiisu ahaa meel fog in la burburiyo, wixii la kala tabanayo ha lagu xaliyo maamulka gudihiisa, hadii aad weysaan cid idin dhageysata, hadhihin geedka salkaan ka jarayaa,” ayuu yiri.

Prof. Shirwac ayaa sheegay in golaha hoggaanka Habargidir uu diyaar u yahay xalinta tabasho kasta oo ka jirta deegaanka Galmudug, “Waxaan codsaneynaa in xalka loo wada istaago oo dhiig dambe aan la daadin oo aqligu shaqeeyo,” ayuu yiri Shirwac.

Guddoomiyaha ayaa ra’iisul wasaare Rooble ku amaanay baaqii uu ka soo saaray xaaladda Galmudug, waxuuna dowladda federaalka ka dalbaday in arrintaan aan la siyaasadeyn oo ciidanka lagu daabulayo laga joojiyo Galmudug.

“Waxaan Rooble iyo dhamaan dowladda federaalka waxaan u sheegayaa in hadii Galmudug ay burburto aysan doorasho dhici doonin, dhibaatooyinka jira doorashadaa xal u ah, ee aan isu taagno inay nabad noogu dhacdo, dabka yaan baasiin lagu sii daarin, waxaan nasoo gaareysa in ciidan loo daabulay Galmudug, cid dambe yeysan naga dhiman ee nabadda wax ku raadsha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Prof. Shirwac.

Hoos ka daawo