Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal qorsheysan oo xalay saqdii dhexe ciidamada difaaca deegaanka, gaar ahaan kuwa Macawiisleyda Hiiraan, ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.
Howl-galka ayaa lagu bartilmaameedsaday tuulooyin dhowr ah oo ay ku sugnayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ciidamada Macawiisleyda ayaa weerar culus ku qaaday tuulooyinka Ceel Dheer iyo Xalaalaay, kuwaas oo si dhow ugu dhow degmada Halgan.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in weerarkaasi uu sababay khasaare xooggan oo gaarey kooxda Al-Shabaab, iyadoona la xaqiijiyay in lagu dilay illaa afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda.
Sarkaal u hadlay ciidanka Macawiisleyda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howl-galka lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku sheegay in ay ahaayeen horjoogayaal. Si kastaba, sarkaalka ma uusan faah-faahin magacyada ama xilalka ay kooxdaasi u hayeen ragga la dilay.
Wuxuu sidoo kale sheegay in inta badan maleeshiyaadkii kale ee weerarka ka badbaaday ay ka gudbeen wabiga Shabeelle, iyagoo u baxsaday dhanka Galbeedka, taasoo muujinaysa in ciidamada difaaca deegaanka ay cashir u dhigeen maleeshiyaadka kooxda.
Howl-galka ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii u dambeeyay ay isa soo tarayeen wararka sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan deegaanka, gaar ahaan markii ay wabiga Shabeelle dhanka Bariga uga soo gudbeen. Tani ayaa keentay cabsi soo korodhay oo ku aaddan weeraro kaga yimaada dhankaas.
Deegaanada hoostaga degmooyinka Buulaburde iyo Halgan ayaa si gaar ah u saameeyay dhaq-dhaqaaqyada kooxda, waxaana la dareemayaa in ciidamada deegaanka ay qaadayaan tallaabooyin deg-deg ah oo lagu hor istaagayo isku day kasta oo ay kooxdaasi ku doonayso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka Hiiraan.

