Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ku dhawaaqay in hal bil oo dheeri ah lagu daray diiwaan-galinta cod-bixiyeyaasha ee ka socota degmooyinka gobolka Banaadir.
Muddo kordhintan ayuu guddoomiyuhu ku shaaciyay shir jaraa’id uu ku qabtay xarunta dhexe ee guddiga, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda tallaabadan loogu sameeyay bulshada aan weli helin fursadda isdiiwaan-galinta.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in mudda kordhintan cusub ee 30-ka cisho ah la sameeyay kadib markii ololaha diiwaan-galinta uusan si isku mid ah uga bilaaban dhammaan degmooyinka gobolka.
Wuxuu xusay in arrintaas ay horseedday baahi loo qabo in dad badan oo aan fursad helin lagu daro waqtiga, si loo xaqiijiyo in dhammaan shacabka gobolka Banaadir ay helaan fursad ay ku diiwaan gashan karaan.
“Ololaha diiwaan galinta codbixiyeyaasha gobolka Banaadir ayaan ku darnay muddo hal bil ah, si shacabka fursad dheeri ah loogu siiyo inay codkooda iska diiwaan geliyaan,” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariin.
Wuxuu intaas ku daray in dib u dhacyo ka yimid arrimo farsamo ay saameyn ku yeesheen bilowgii shaqada ee qaar ka mid ah degmooyinka.
Muddo kordhinta cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli ay diiwaan-galinta codbixiyeyaasha ka socoto inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen hanaanka doorasho ee socda, oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah.

