Baqdaad (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo haatan ku sugan magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa halkaasi ka wada kulamo muhiim ah.
Kulamadan oo ah kulan doceedyo ayaa waxa uu Wasiir Cabdisalaam Cabdi la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
Maanta, Wasiir Cabdisalaam waxa uu kulammo miro-dhal ah la qaatay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Aljeeriya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.
Kulamadan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa kulamada lagu xoojiyqy taageerada labada dal ay u hayaan dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka dalka.
Kulammadan ayaa waxay ka tarjumayaan sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaas, iyada oo la sii amba-qaadayo wada-shaqeynta dhow ee ku saleysan danaha wadajirka ah ee gobolka iyo dunida Carabta.








