Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannadii ugu badnaa oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu xilka ka dago.
Xildhibaannadan oo tiradoodu gaareyso illaa 103, ayaa waxay baaqan ku shaaciyeen war-saxaafadeed ay soo saareen, iyaga oo ku eedeeyay madaxweynaha in uu si cad ugu xad-gudbay dastuurka dalka iyo inuu ku guul-dareystay inuu kasoo baxo masuuliyadaha saaran xilligan adag ee dalku marayo.
Xildhibaanadu waxay sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dayacay waajibaadkiisa dastuuriga ah, xilli uu dalku wajahayo caqabado aad u culus oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo xaaladda bini’aadantinimo ah, ayna sidaas darteed tahay inuu is-casilo.
Sida ay tilmaameen, madaxweynaha ma uusan muujin dadaal dhab ah oo wax looga qabanayo xaaladaha taagan, taas beddelkeedana wuxuu doortay in uu raaco siyaasad dhinac u janjeedha.
War-saxaafadeedka xildhibaanada ayaa sidoo kale lagu xusay in Madaxweynaha uu ka baxay ballan-qaadkiisii 29-kii Maarso 2025 ee ahaa in uu isugu keeno hoggaanka siyaasadeed iyo dhaqanka si loo helo wadahadal qaran. Waxay ku eedeeyeen in uu si cad uga leexday wadadii xasilloonida iyo isu keenidda ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo xildhibaanadu madaxweynaha ku eedeeyeen in uu meesha ka saaray kala madax-bannaanidii hay’adaha dowladda. Waxay sheegeen in uu ku kacay tacaddi awoodeed, musuq iyo maamul xumo baahsan, taas oo keentay in uu sii fogaado xiriirka ka dhexeeya madaxda dalka iyo shacabka.
Sidoo kale, xildhibaanadu waxay sheegeen in heshiisyo badan oo qarsoodi ah lagu saxiixay magaca dowladda, iyada oo aan Baarlamaanka laga talo-gelin ama shacabka lala wadaagin. Waxay arrintan ku tilmaameen jebin toos ah oo lagu sameeyay dastuurka, taas oo sida ay sheegeen, sal u noqon karta in la qaado tallaabooyin sharci ah sida xil ka qaadis.
Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu burburiyay Madashii Wadatashiga Qaran, taasoo ahayd madal muhiim ah oo lagu xallin jiray khilaafaadka siyaasadeed ee dalka. Waxay sidoo kale sheegeen in madaxweynuhu cadaadis siyaasadeed saaray dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland.
Xildhibaannadan ayaa ugu dambeyntiina war-sadaafadeedkooda ku caddeeyay in ay waajib dastuuri ah u arkaan inay u istaagaan difaaca qaranimada iyo habraaca dowladnimada, iyaga oo codsaday in madaxweynuhu is-casilo, si loo badbaadiyo dalka loona dhiso hoggaan cusub oo dalka ka saara xaaladda cakiran.