Micnaha heesta GUULEED ma joogaa?

By Asad Cabdullahi Mataan

Nin la yiraahdo Cabdi Good, oo soo farriista TV-ga Somali Channel, ayaa maalmahan ku xad gudbayey suugaanta Soomaalida, isaga oo si qaldan iyo qubxi u macneeyey suugaan iyo heeso badan oo Soomaali ah, oo ay sammeeyeen abwaano magac weyn ku leh Soomaalida.

Heesaha Cabdi Good ku xad-gudbay, waxaa ka mid ah heeska GUULEED MA JOOGAA?, oo ka mid ah heesaha loogu jecel yahay kuwa Soomaalida, oo uu alifay allaha u naxariistee Abwaan Cabdul Qaadir Xirsi Yam-Yam.

Hadda mahad ha ka gaartee, waxaa heeska Guuleed si wanaagsan bulshada ugu sharraxay Cabdi J Aw-Aden, ee hoos ka aqriso, kana dhageyso heestan qiimaha badan.

Guuleed Ma Joogaa? (hees)

Waxyaalaha maansada Soomaaliyeed qiradeeda kordhiya waxaa kamid ah khiyaaliga ama male-awaalka, waxaana bila sarbeebta iyo culayska erayada, kuwaas oo lagu jaangooyay heestaan oo uu hal-abuuray Allahaw naxariistee C/qaadir Xirsi Siyaad (Yamyam). Haddaba si uu u garto qof walba waxaan qaadaa-dhigaynnaa meerisyada heesta, isla markaasna waxaan hoos ku qeexaynnaa erayada aan is leenahay dadka qaar way ku adkaan karaan:

Xalay gelin dhexaadkii
Maraan mayrac-guuraha
Sheedda guriga faalalay
Oon himilo gaara leeyay
Dayaxoon galsho lahayn
Illayskiisa galalacay
Sida gooni-daaq cawl
Gaaf meeray socodkii
Xalay fiidkii iyadoo caddo ah ayaan gurigaygii ka soo baxay waxaanna kaligay agagaarkiisa u mardaaddinaayay sidii aan ahay cawl gooni u daaqa, waanna hamminaayay.  
 
Oon guud haldhaa iyo
Mililicay Gob weynoo
Midba gooni laamaha
Rucub mira guntaday
Gadgaddoonka raamuhu
Dhexda deri garaaraha
Hadba gees u liicaan
Iyagoo hammigii iyo himiladii ay laabtayda ku jiraan, baan waxaan arkay hummaag ila noqday haldhaaga gorayada oo inta baallihii fidiyay is humbulay amase geed Gob ah u eg. Waxaan qalbigayga ka suureeyay geedkaas, waxayna ila noqotay inuu yahay geed laamihiisa mid walba ay la tiicayso rucubyo miro ah. Geedkaas laamihiisa sida ay hadba dhinac ugu liicayaan, waxaad mooddaa inay garaaro leeyihiin.  
 
Oon wali gar-eexaad
Lagu niqin guntiisoo
Gudin nabar u yeeshiyo
Gacan cadow ku dhicinoo

Xididkiisa gaarrani
Deyrtoo gidaaddiyo
Gu’ la waayay aragoo
Gondaha rayska kula jira
Oo hoos galbeedkiyo
Harka geedku bixiyaa
Neecaw gaara leeyahay
Oon halaq-galeen iyo
Inna godad lahaynoo
Gardhadiyo caleemaha
Aanay haaddu guri Karin
waxaan male awaalay inaan geedkaas hoostiisa caddaalad-darro ka dhicin, waayo wuu qallali lahaa. Waxaan kaloo male awaalay inaan geedkaas gudin lala dhicin, waayoo wuu naafoobi lahaa. Geedkaasi waligi ma waayin roobabka guga iyo deyrta da’a, mar walbana waxay xididdadiisu dhex qotomeen ciid qoyan waa rayskee. Geedkaasi meelo halagqu galo ma laha, haaddu waxay ka cuntana wax-dhimaal u ma laha. Geedkaas hooskiisu wuxuu leeyahay neecaw aan laga heli karin geedaha kale hoostooda.
Oo meel gabbaadliyo
Sabad guri ku yaalloo
Leexa is galooshiyo
Ufo garoommo kiciyiyo
Dabaylaha gilgilayaa
Marna aanay goyn karin
Geedkaasi wuxuu ku yaallaa meel dugsi leh oo heelad guri ah. Dabaysha is galoosha ee leexada la yiraahdo iyo duufaan roob wadataa midna ma rujin karo.   
 
Kalgacayl i galay iyo
Gocashada xasuusta
Haybaddayda gudubtoo
Naxariis indhuhu godol
Baalashii is geliyeen
Ayaa gadafka muuqa
Geed iiga dhigaye
Illeyn araggu waa gabar
Jamasho qalbigayga ku jirtay iyo dareenkii laabtayda labo-rogmaanaayay baa indhahayga ilmo ka buuxshay oo muuqaalka, geed iiga dhigaye illeen hummaaggu waa gabar. 
 
Mase garanayee talo!
Guurti yaw mari laa?
Goob xaarashada yaa
Isagoon gesamin
Garta keligii niqi laa?
Naftu gogatay laabtee
Googgaale badanaa
Gudbi weyday socodkee
Ma god baa horteeda ah?
Sidaan moodaayay iyo siday noqotay awgood, waan garan waayay si aan yeelo oo heedhaha tanoo kale hadday dhacdo, qofkee kaligi go’aan gaari lahaa, isagoon helin caawin ama hamboorrin.? Markay halkaas arrintu maraysay waxaan jeclaystay inaan helo qof wax ii tilmaama, waxaa igu batay su’aalo aan naftayda weyddiinaayay. Fakarkii iyo isla hadalkii baan la dhaqaaqi waayay sidii iyadoo uu igu gudban yahay hog aan la dhaafi karin. 
 
Inaan laba mid soo galo
Sow ila ma gudboonaan
Geesi waaya-aragi
Danti ka ma gaddoomee
Sow ardaaga gurigeeda
Gaashaanka maan dhigan

Sow ereyo googgo’an
Goolbaar ku maan oran
Guuleed ma joogaa?
Waxay ila noqotay inaan labo mid yeelo; inaan iska daayo gabadha iyo inaan u bareero oo u tago. Dantaydu waxay ku jirtay inaan u tago oo la hadlo, qofkii geesiyihina dantiisa waa u bareeraa. Markaas kadib, waxaan u imid reerkii gabadha, anigoo iska dhigaaya nin raadinaaya nin magaciisa Guuleed la yiraahdo. Gabadhii baan weyddiiyay in Guuleed joogo iyo in kale.
 
Guntanaha sarbeebta ah
Sow maanay garanoo
Kaftan dhiirrigelina
Googgaa ma oranoo
Sheekadii iga ma gurin
Oo gudasho xeer iyo
Gaari camalladeedii
Gogol ii ma soo dhigin
Gabadhii waxay garatay in Guuleed aan ku sarbeebtaye, qofka aan rabay yahay iyada laf ahaanteeda. Kadib, waxay igu la hadashay erayo kaftan ah oo ay ula jeedday dhiirragelintayda. Su’aalo bay i weyddiisay, jawaabihiina way iga gurtay, isla markaasna sidii lagu yaqaannay gaarida, gogol bay ii dhigtay wayna i soo dhaweysay.
 
Haasaawe guudoo
Gardaadsaday jacayl iyo
Sow barasha gaaroo
Aan libin ku gaarnaa
Goobtaa ka may dhalan

Laxawgaa guntamay iyo
Faraxaa ka soo go’ay
Qalbigii gurnaa baa
Irmaanaaday galabtaa
Kulankii aniga iyo gabadhii waxaa ka dhashay is-barasho iyo kalgacal aan ku higsanno liibaan. Dareenkaas kalgacalka leh ee aan wada abuurnay iyo go’aannadii wada-jirka ahaa ee aan gaarnay, waxay nugleeyeen fiidkaas qalbigaygii markii hore adkaa ama gurnaa.
 
Gacma furan dhankaygee
Daalo geedaheedii
Diib aan ka guray iyo
Guntimooyin ubaxoo
Xariir lagu galeeyaan
Kuu geliyay qoortee

Deeq gacalle weeyee
Gobaad waxaad u dhiibtaan
Boholyo aan qof ii gelin

Intii aan gu’ noolaa
Arrimahaas aan wada gaarnay xaggayga si niyad ah baan u soo dhaweynayaa, waxaanna qoorta u surayaa gabadhaas xirmooyin udgoon oo ubaxa oo aan ka soo guray Buurta Daalo. Idinkuna waxaad Gobaad (magacii gabadha) u geysaan fartiintayda xanbaarsan, jaceylka aan iyada u qabo, waxaadna u sheegtaan intii aan noolaa inaanan sidaan oo kale wax u jeclaan.
Saldhiggii xishoodkaay
Adiguna garaad badaneey
Maanku kaa ma guuree
Murtidaan la 
goohay
Gunno weeye keligaa
Gabdho aad ka mudatee
Geestaydan caashaqa
Ka godladay ha gaagixin
Waxaan gabadhaas garaadka badan oo xishoodka huwan, maankeeda Ilaah ma doorshee, u sheegayaa inay maansada aan sheegay ay iyadu ka mudan tahay gabdhaha kale in loo tiriyo, waxaanna ka codsanayaa inaysan caashaqa i galay igu gaagixin/gurin. 

Erayada:

1- Mayrac: daajinta xoolaha fiidka hore. Halkaan wuxuu leeyahay fiidka horaan socday.
2-Sheedda: meel durugsan, kor, fog.
3- Galsho: godad laga ag sameeyo balli guraaya oo xareeddu ku soo miiranto. Halkaan godka ama galka uu dayaxu galo.
4- Galalacay: kaahay, iftiimay.
5- Gaaf: kob la qurxiyay oo arooska iwm lagu dhigo. Dibad; hareer.
6- Rucub: cuntub miro ah ama ubaxa oo hal laan ka lusha.
7- Raamuhu: Raan waa timo qeybqeyb isugu maran. Halkaan waa laamo isku maran.
8- Gardho: dhogorta ubadka geela; timaha jilicsan oo rigrigada yeesha marka la firo. Halkaan wuxuu u jeedaa qeybaha jilicsan ee geedka. 
9- Gaarrani: daboolan, dahaaran. wuxuu u jeedaa laantii waxaa qariyaycaleemo, iwm.
10- Gidaad: geyrasho; dhirfid; caro.
11- Gabbaad: wax looga gabbado dhaxanta iwm.
12- Sabad: guriga agagaarkiisa; heelad
13- Ufo: dabayl roob wadata oo xoog leh
14- Gilgil: ruxruxid; liiliijin.
15- Godol: marka naasleyda caanuhu candhada soo buuxshaan.
16- Gadaf: wax qaab wareegsan leh. Halkaan wuxuu leeyahay waan wareegaaleystay.
17- Gondaha: cago, lugo. Halkaan xididadda geedka 
18- Googgaale: waa eray fure u ah su’aalo sarbeeban ama daboolan oo la is weyddiiyo.
19- Gaashaan: waa aalad waayihii hore la isaga dhigi jiray waranka iwm oo laga samayn jiray; harag, geed, macdan iwm. Halkaan waxaan arrinkaygii u geeyay gabadhii aan jeclaystay.
20- Goolbaar: su’aal si dadban loo weyddiiyo oo looga jeedo in jawaab saxa la helo; duur-xul.
21- Sarbeeb: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ku dhex qarsoon tahay.
22- Haasaawe: sheeko ama hadal la isku maaweeliyo.
23- Gardaadin: xus loo sameeyo ilmaha afartanka maalmood jirsada; qof wanaag lagu yaqaan baa qaada oo la orda ama faras baa lagu taxaabaa. Halkaan sheekadii lammaanuhu bilaw fiican bay yeelatay ama wanaag baa lagu gardaadiyay.
24- Laxaw: dareen xanuun ama kaar leh.
25- Gesamin: aan waxba quudan, aan waxba qaaday.
26- Galeeyaan: gal waa wax daboolmi kara oo ka samaysan warqad, loox, bir iwm. Halkaan warqadii gacalisada uu u diray buu ku xareeyay gal. 
27- Deeq: wax la isa siiyo oo aan xoolo iwm la dhaafsan.
28- Gobaad: magac gabdhaha ama hasha loo baxsho.
29- Boholyow: tebidda wax la jecel yahay; hiloow; jamasho.
30- Gogatay: Gogasho waa arrin aan la dayn sidii habboonaydna aan loo qaban; taataabsho. Halkaan wuxuu u jeedaa laabtaydaa ku walaacday.
31- Gunno:  wax si dheeri ah la isu siiyo sida; wax la qeybsaday oo qof ka mid ah saamileydii loogu daray wax dheeri ah; buro. 
32- Gaaggixin: godol-baabi’in wax la qoonsaday darteed. Halkaan wuxuu leeyahay jeceylka curtay ha baabi’in ama gaaggixin.
33- Diib: wax udgoon.

W/Q: Cabdi J Aw-Aden