DAAWO: Fanaanka Dalmar Yare oo soo saarey hees saameyn weyn yeelatay

Fanaanka caanka ah ee Dalmar Yare ee ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa uu caawa soo saaray heesta IDIL oo xambaarsan erayo murti weyn leh iyo muuqaal runtii ay ka muuqato in waqti badan la geliyey.

Heestan ayaa waxaa loo qaaday oo lagu ammaanayaa xaaska agaasimaha Kismaayo24.com Abdiweli Ibrahim Garyare, taasi oo la yiraahdo Idil Abdi Ahmed. Waxaana noqoneysaa hadiyadii ugu horeysay oo uga timaada dhanka fanaanka caanka ah ee baryahan danbe sida weyn loo xiiseeyo heesihiisa Dalmar Yare.

Heesta ayaa waxaa isugu tagay soo saaristeeda raga ugu culus ee fanka Soomaalida, marka aad fiiriso sameynta erayadeeda oo uu alifay Xasan Bulxan Cali, laxanka waxaa raaciyey mulaxamiistaha sanadka Ali Shaacir, Musica dananaya waxaa ku fara-yareystay A.A Naaji, halka muuqaalka indha doogsiga leh ee mid la mid ah aan baryahan Soomaali duubin uu sameeyey Director-ka weyn ee Samatar Said Salah.

Heestan oo saacado yar ku jirta barta Youtube-ka ayaa waxaa ay durbo heshay daawadayaal la dhacay muuqaalka iyo codka fanaanka Dalmar Yare.

Heestan ayaa waxaa ay noqoneysaa heestii saddexaad ee loo qaado Xaaska Wariye Abdiweli Garyare, waxaana labadii ka horeysay u kala qaaday fanaaniinka kala ah Abdi Baadil Ibrahim oo ka mid ah hal-bowlayaashii Waabari iyo Abdi Dajiye oo ah fanaanka uggu da’dayar fanaaniinta hadda jirta, balse la soo baxay hibo faneyn oo weyn.

Abdiweli Garyare oo ka hadlayey heestan cusub iyo sida uu arko ayaa waxaa uu sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo dhammaan asxaabtii ka qeybgashay soo saarista heestaasi, oo uu sheegay inaysan la’aantood heestan noqoteen mid soo jiidata indhaha shacabka, waxaana uu intaasi raaciyey inay u tahay hadiyad qaali ah oo xaaskiisa loo hibeeyey.

Haddaba heesta IDIL iyo codka fanaanka Qarniga Dalmar Yare halkan ka daawo.