Daawo: Yuusuf Madaale oo amar culus soo saaray kadib dhacdadii isgoyska JUBBA

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay booqday goobta uu ka dhacay shilkii argagaxa lahaa ee ka dhacay isgoyska Jubba ayaa soo saaray amar ku socda gaadiidleyda.

Madaale ayaa nasiib darro ku tilmaamay dhacdadaasi xanuunka badan, kadib markii markii gaari xamuul ah oo siday konteenar uu kul dul dhacay gaari hoomey ah ama caasi oo ay la socdeen dad rakaab ah, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

“Waxaa nasiib  darro ah in baabuur noocaas ah uu xilligaas oo kale uu maro, weliba isaga oo xawaare sare ku socdo kadibna uu halkaas ku gadoomay” ayuu yiri Madaale.

Duqa Muqdisho ayaa mar kale ku celiyay amar horay uga soo baxay maamulka gobolka oo ah in gaadiidka waaweyn aysan socon karin maalintii ee loo ogolay habeenkii xilliga dambe.

“Horay awaamiir ayaa looga soo saaray baabuurta xamuulka ah oo aysan socon karin maalintii oo habeenkii 10:00 habeenimo ay tahay lasoo fasaxo” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in mas’uuliyadda dhibaatadii xalay dhacday ay qaadi doonto cidda soo fasaxday gaarigaas oo kasoo baxay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho.

“Dambiga waxaa qaadayo cidda soo fasaxday ayada oo waqtigii amarkaas la bixiyay kahor ay tahay” ayuu mar kale yiri guddoomiye Yuusuf Madaale.

Dhinaca kale waxa uu fariin u diray ciidamada Taraafikada oo uu ka dalbaday inay wax ka qabtaan xadgudubyada ay gaysanayaan baabuurta xamuulka ee ku sugan Muqdisho

Waxaa sidoo kale lagama maarmaan in taliska nabad-gelyada waddooyinka in aan marnaba la aqbalin waqtigii loo asteeyay kahor inay baabuurtaasi magaalada ay maraan” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wuxuu hoosta ka xariiqay in magaalada uu ka jiro ciriiri xooga, aysana sabab u tahay dadka oo batay iyo waddooyinka oo yar.

Magaalada waa jaam bulshada waa badatay baabuurtana way badan yihiin sidii hore maaha, waddooyinkana waa yar yihiin”  ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.