Sawirro: Dagaalka Shabaab oo dhiig cusub lagu shubayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil uu ka mid yahay Abaanduulaha qeybta 12-ka April G/Sare Warsame Maxamed Diiriye ayaa Taliye Dayax ku soo dhaweeyey Afgooye, ayada oo taliyaha uu soo kormeeray saldhigyada ciidamada xoogga ee degmadaasi.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ciidanka faray inay u diyaar garoobaan howl-gallo culus oo kooxda Al-Shabaab looga sifeyn doono deegaanada ay uga dhuumaaleystaan Shabeellaha Hoose.

Taliye Dayax oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay inuu socdo diyaar garowga dagaalka guud ahaan dalka looga xoreynayo argagixisada.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay billowdeen dadaalo dhiig cusub loogu shubayo dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo bilihii lasoo dhaafay uu gaabis ku yimid, taasi oo kooxda u noqotay fursad ay dib isugu soo abaabusho.

Al-Shabaab ayaa dib u qabsatay deegaano uu dhiig badan ku daatay oo horey ciidanka uga xoreeyeen maleeshiyaadka, balse ay markii dambe ka baxeen, ayna sidaas ugula wareegtay kooxda, halka ay kordhisay weerarada gaadmada ah ee lagu bartilmaameedsanayo xeryaha ciidanka.

Si kastaba, Wejiga koowaad ee dagaalka oo billowgiisi laga gaaray guullo waaweyn, islamarkaana lagu wiiqay qeyb kamid ah awooddii kooxda, ayaa gadaal fadhiid ka noqday, waxaana la rejaynayaa in dar-darta cusub ee hadda la galinayo dagaalka inay dhaymo u noqoto gaabiska ku yimid howl-galka.