Xog: Soomaaliya iyo Iran oo dib usoo celinaya xiriirkooda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay diyaar u tahay xiriir diblomaasiyadeed oo ay mar kale la yeelato Jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran.

Labada dowladood ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay bilaabaan diyaarinta heshiisyo iskaashi oo dhexmara, sida ay wakaaladda wararka Iran ee IRNA ka soo xigatay safiirka Iran u fadhiya Nairobi Ali Gholampour, oo sidoo kale qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhowr maalin kahor xabsi ku yaalla Muqdisho laga sii daayay 33 kalluumeysato iyo badmaaxayaal u dhashay Iran, kuwaaso loo xiray inay si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Soomaaliya sannadkii hore.

Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Iran bishii Janaayo sannadkii 2016, ayada oo cayrisay diblomaasiyiin reer Iran ah, islamarkaana xirtay hay’adda Iman Khomeini Foundation oo ka howl-galaysay Muqdisho.

Dowladda Federaalka ayaa tallaabadaas sabab uga dhigtay “farogelinta joogtada ah ee Iran ay ku hayso” arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Isla maalinkii ay Soomaaliya xiriirka u jartay Iran, waxay lacag $50 milyan oo dollar oo deeq ah ay ka heshay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Si kastab,a Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay inuu xiriir ka dhaxeeyo go’aanka ay xiriirka ugu jartay Iran iyo taageerada dhaqaale ee Sacuudiga, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ay diiday inay ka hadasho.

Bishii Maarso, 2023, Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo xiriirkii go’ay 2016-kii, islamarkaana dib loo furo safaaradaha labada dal.

Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay Iran 2016-kii kadib markii safaaraddeeda Tehran ay ku xoommeen shacab intii uu socday muran u dhaxeeyey labada dal oo ka dhashay markii Riyadh ay xukun dil ku fulisay wadada shiico ah.