Ganacsatada Muqdisho ee ka amar qaata Al-Shabaab oo tallaabo culus laga qaadayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa digniin culus u diray ganacsatada magaalada Muqdisho ee ka amar qaata kooxda Al-Shabaab iyo kuwa u xukun doonto maxkamadaha guur guura ee kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in ganacsadahii albaabkiisa u xira amar kasoo baxa Al-Shabaab uusan dib u furi doonin goobtiisa ganacsi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale in dadka aada maxkamadaha Al-Shabaab ee ka baxa magaalada Muqdisho inaan loo ogolaan doonin inay dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

“Albaabkii ganacsi ee lagu xiro amarka Al-Shabaab, waxaan cadeynaya inaan dib loo furi doonin, sidoo kale qofkii Al-Shabaab u garsoor u raadsada waxaan u sheegaya inuusan Muqdisho soo laaban doonin,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Madaale ayaa sidoo kale sheegay in ganacsadahii lagu arko goobtiisa ganacsi isago ku iibinaya waxyaabaha maanka dooriya in laga burburin doono goobtiisa, islamarkaana dhulka lagala wareegi doono.

“Magaalada Muqdisho anaga fasahaad uma ogolin waxaan u sheegaya dadka goobahooda ganacsi ku iibiya waxyaabaha maanka dooriya sida xashiishka iyo Calaqa in goobtan ku aragno aan burburin doono, lana wareegi doono goobtiisa ganacsi,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Hadalkaan kasoo yeeray duqa magaalada Muqdisho ayaa imaanaya iyadoo sanadkaan gudahiisa amaro kasoo kala baxay Al-Shabaab iyo Daacish loo xiray qaar ka mid ah goobaha ganacsi ee ku yaala Suuqyada Bakaaraha iyo Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale hadalka guddoomiyaha ayaa imaanaya waqti uu curtay kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab kaasoo ka socda gobolada Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Kooxda Al-Shabaab ayaa canshuuro kala duwan ka qaado ganacsatada ku sugan Muqdisho iyo Soomaaliya, waxayna dil ugu hanjabtaa cid kasta oo diida canshuurta iyo awaamiirta kale.