Sawirro: Duqa Muqdisho oo xalay booqasho lama filaan ah ku tegay suuqa Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay kormeer shaqo ku tegay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, taas oo uu ugu kuurgalayay xaaladda guud.

Madaale ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay, mas’uuliyiin ka tirsan gobolka, maamulka degmada Howlwadaag iyo saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya.

Ujeedka duqa Muqdisho ayaa ahaa u kuurgelidda isbadalka dhinaca Amniga iyo dhaq-dhaqaaqa Ganacsi ee suuqaasi ka jira xilliyada Habeenkii ah, maadaama loo diyaar garoobayo munaasabadda maalmaha Ciidul-Fidriga oo foodda innagu soo haayo.

Inta uu ku jiray kormeerkan duqa Muqdisho wuxuu mid mid u dhageystay shacabka usoo dukaameysi tagay suuqa iyo qaar ka mid ah ganacsatada, kuwaasi oo ka warbixiyay isbadalka amni iyo kobaca ganacsi ee ka jira suuqa.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga si loo xoojiyo Amniga Caasimadda.

Shacabka caasimada ayaa si aad ah ugu dukaameysanaya Suuqa Bakaaraha iyo Suuqyada kale ee Magaalada Muqdisho xilliyada Habeenkii maadaama lagu jiro 10-kii ugu danbeeyay ee Bisha Ramadaan.

Bakaaro ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay laga dareemayay isbeddel wayn oo dhinaca amniga, waxaana horay u booqday taliyaha hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad.