MMD oo ku biirtay xildhibaannada diiday Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed- Madasha Midnimada iyo Dimoqoraadiyada (MMD) waxay ka soo horjeeddaa go’aanka Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaalia uu ku baabi’inayo Mooshinka ku lidiga ah Madaxweynaha oo ay keeneen 93 Xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka. Madashu waxay u aragtaa xadgudub inuu Afhayeenka Baarlamaanku:

(1) Baabi’yo mooshinka ay gudbiyeen 93 Xildhibaan;

(2) Garab maro iskana indha saabo kala xadeynta awoodaha dalka isagoo ku takrifalay awoodii Dastuurku u banneeyey Maxkamada sare ama Maxkamada Dastuurka. ma aha shaqada guddoomiyaha baarlamaanka fasiraadda sharciga ee hawshaas waxaa leh heyadaha garsoorka;

(3) U gafo waajibaadka dastuurku farayo oo ah inuu ahaado dhexdhexaad markuu xilkiisa gudanayo sida ku cada Qodobka 65(3) ee Dastuurka KMG;

Go’aanka Afhayeenka Baarlamaanku wuxuu khilaafsanyahay kana soo horjeedaa qoraalladiisii hore, 12 September 2015, ee Mooshinka ku saabsanaaoo uu ku sheegay in Xildhibaanadu ay Madaxweynaha kala xaajoon doonaan eedaymaha loo soo jeediyey; haddii wada xaajoodka la gelayaa uu guuleysan waayo, in mooshinka loo gudbindoono Maxkamada Sare.

Nasiib darro, isbeddelka ku yimid mowqifka Afhayeenka oo ku saabsan Mooshinka laga keenay Madaxweynaha, sida la qabo, waxaa sabab u ah cadaadis iyo hanjabaad xoog leh oo uga timid dhinaca Madaxtooyada. Waxaan aaminsanahay in Madaxweynuhu rabay inuu Qoraalka Afhayeenka ka dhigto foodsaar xalaalaynaya madaxnimadiisa markuu hortegayo Bulshada Caalamka oo uu ka qayb gelayo fadhiga 70aad ee Qaramada Midoobey ee New York.

Hadalkan Afhayeenku wuxuu halis u yahay inuu kala qaybiyo oo curyaamiyo Baarlamaanka oo uu gudan waayo waajibaadkiisa sharci dejin iyo la xisaabtanka Xukuumada iyo Madaxweynaha. Waxaan aaminsanahay, haddii Afhayeenku uu sii wado dayacaada xilkiisa, oo uu ka weecdo dhexdhexaadnimada sharcigu farayo, waxaa khatar gelaya jiritaanka iyo waxku oolnimada Baarlamaanka sidii ku dhacday Baarlamaankii KMG ahaa 2011 taasina ay keentay faragalin shisheeye heshiiskii Kampala.

Annagoo garawsan muhimada uu Baarlamaanku u leeyahay bud-dhigidda dhismaha Qaranka, ayaa Madashu ku boorrinaysaa Afhayeenka inuu ilaaliyo dhexdhexaadnimadiisa iyo sharaftiisa markuu xilkiisa ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Umadda Soomaliyeed gudanayo. Sidoo kale waxaa haboon, Dastuurina ah in sharcinimada mooshinka laga keenay Madaxweynaha loo daayo Garsoorka (Maxkamada Sare).

Iyadoo ay tahay xil na saaran u ololaynta masuuliyad qaadashada iyo daahfurnaanta marka la maamulayo hawlaha Qaranka, ayaa Madashu si buuxda u barbar taagan tahay Xildhibaanada doonaya in lala xisaabtamo Madaxweynaha hadba siduu xilkiisa u gudanayo. Sidaa darteed, waxaan ugu yeereynaa Afhayeenka Baarlamaanka inuu ficil ku muujiyo dhedhexaadnimadiisa oo uu ka laabto goaanka kor xusan oo uu ka gaarey Mooshinka Madaxweynaha laga keenay. Arrintani waxay lama huraan u tahay haddii Afhayeenku rajo ka qabo jiritaanka iyo wax ku oolnimada Baarlamaanka Ummadda Somaliyed; dhowritaanka dastuurka, dowlad wanaagga iyo saraynta sharciga.

Xafiiska war-faafinta MMadasha Midnimada iyo Dimoqoraadiyada
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com