Dhageyso: Goodax Barre oo sir culus kashifaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay war ka soo baxay gudoonka baarlamaanka oo lagu sheegay in la tuuray mooshinkii ka dhanka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

War saxaafadeedkaasi ayaa lagu sheegay in sidoo kale wadahadal loogu baaqaayo dhammaan dhinacyada ay arrintaasi khuseyso si loo xalliyo khilaafka jira, wadahadalkaasi oo dhacaya 7-da bisha october.

Xildhibaan Cabdullahi Goodax Bare waxa uu ka mid yahay mudanayaasha horkacaya mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha, wuxuuna tilmaamay in aysan ka noqonin mooshinka, uuna soo bandhigi doono sir culus oo ay hayaan.

Halkan ka dhagayso codka Xildhibaan Goodax Barre: