Madasha Samata-bixinta KGS oo war kasoo saartay muddo kororsiga Laftagareen

Baydhaba (Caasimada Online) – (Madasha Samata Bixinta Maamulka Koonfur Galbeed) oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta ugu miisaanka culus deegaanada K/Galbeed ayaa maanta soo saaray bayaan dheer oo ku saabsan xaaladda ka jirta deegaanada maamulkaas iyo hab-dhaqanka Madaxweyne Laftagareen.

Madashaan waxay cadeysan in Cabdicasiis Laftagareen ay u hareen bilo yar oo watqtigu uu ka dhamaanayo 18-ka bisha December ee sanadkaan 2022-ka, isla markaana aan laga ogolaa doonin mudo kororsiga uu sameystay, iyagoo ka deyriyey xaaladaha amni, bini’aadanimo iyo maamul ee ka jira K/Galbeed.

Sidoo kale Xidhibaano ka aragti duwanaa Laftagareen oo baarlamaanka maamulkaas laga saaray ayaa bayaankaan lagu sheegay in xildhibaano rasmi ah ay yihiin, iyadoo kalfadhiga baarlamaanka maamulkaas ayaa la dalbaday in deg deg loo furo.

Ugu dambeyntiina Madaxweyne Xasan Sheekh, R/Wasaare Xamsa iyo Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa qoraalkaan loogu sheegay inay masuuliyadi ka saaran tahay sidii doorasho xor ah K/Galbeed looga qaban lahaa markii la gaaro 18-ka bisha December ee sanadkaan 2022-ka.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran:

Madasha Samata Bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waa madal siyaasadeed u taagan samata bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madasha waxaa ku mideysan Siyaasiinta, Waxgaradka, aqoonyahanka, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Qurba joogta, Haweenka iyo Dhalinyarada reer Koonfur Galbeed.

Shirweyne ay isugu yimaadeen xubnaha Madasha oo ka dhacay magaaladda Muqdisho ayaa waxaa looga soo saaray war murtiyeedkaan;

Madashu waxay walaac ka muujinaysaa guud ahaan xaaladdaha murugeysan ee ka jirta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan abaaraha baahsan, amni darada, musuqa, ku tumashada sharciga, ku takrifalka awooda dowladda iyo koboc la’aanta dhaqaale.

  1. Madashu waxay ka walaacsanatahay xaaladaha abaaraha ka jira deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
  2. Madashu waxay cadeynaysaa in Hogaanka Dowlad Goboleedka uu ku fashilmay sugidda amniga deegaanadda Koonfur Galbeed iyo dhisida ciidamo leedahay Dowlad Goboleedka ayadoo aysan jirin degmo iyo degmo ama magaalo ama magaalo kale ugudbi karta.
  3. Sida uu dhigaayo Dastuurka Dowlad Goboleedka in xilhaynta Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada tahay 4 sano sida ku cad Qod: (50aad) Farqadiisa 1aad iyo Qod: (39aad) Farqadiisa 1aad. Madaxweynaha KGS wuxuu doonayaa in mudo kororsi sharci darro ah samaysto iyadoo mudadiisa ka harsanatahy wax ka yar 5 bilood. Madasha waxay walaac ka muujinaysaa hab-dhaqanka hogaanka KG oo haddii uu ku adkaystao mudo kororsi aan sharci waafaqsanayn sababi karta in gabi ahaanba burbur ku yimaada maamulka.
  4. Madaxweynaha wuxuu awoodisa dastuuriga ah ka baxsan u adeegsaday Xil qaadista Xildhibaanadda iyadoo loo marin nidaam sharci ah.
  5. Madashu waxay ka walaacsanatahay kalfadhiga Baarlamaanka DGKS oo si sharci daro ah ku xiran in ka badan afar (4) bil sida uu dhigaato Dastuurka Qod: (42aad) farqadiisa 1aad iyadoo jagada Gudoomiyaha Golaha Wakiilaada Koonfur Galbeed muddo ka badan shan (5) bil ah.
  6. Madaweynaha KG wuxuu ku kacay ku takri fal awoodeed iyo kalitalisnimo oo shacabka Koonfur Galbeed ay ku waayeen xoriyad iyo adeeg bulsho, taas oo dhalisay amni daro baahday, barakac, abaaro dadka iyo xoolaha ay ku baaba’een iyadoo taliska meesha ka jira uusan dheg jalaq u siin qayla dhaanta ka imaanaysa dadka reer Koonfur Galbeed maamulkiisa ku sifoobay musuqmaasuq iyo wax idaba marin hantidii guud ay bulshada lahayd si gaar ah ugu takri falay asaga iyo xulafadiisa.
  7. Madashu waxay ka walaacsantahay xadgudubyadda joogtada ah uu ku dhaqaaqay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku aadan xuriyada fikirka isagoo gabi ahaanba meesha ka saaray xoriyadda fikirka, taas oo qofwalba ka fikir duwan ama fikirkiisa dhiibta loo taxaabaayo xabsi ama cagajuglayn, ayadoo jirin maxkamadd lasoo taagay sida u sheegaayo dastuurka Dowlad Goboleedka Qod: (12aad) Farqadiisa 1aad iyo Farqadiisa 2aad.
  8. Maamulka KGS wuxuu si cad u hor istaag ku sameeyay kulamadda iyo bannaan baxyadda nabadda ah si shacabka Koonfur Galbeed u muujiyaan dareenkooda ama ugu tashadaan aayahooda taasoo xaqoodii dastuuriga ahaa loo diiday sida ku qeexan Dastuurka KGS Qod: (24aad) Farqadiisa 1aad iyo 2aad.
  9. Maamulka KGS wuxuu ku dhaqaaqay xadgudubyo, caburin iyo xariga wariyaasha saxaafada madaxbanaan si aan loo tabin xaqiiqda ka jirta KGS. Isagoo si balmarsan sharciga ugu tuntay madaxbanaanida saxaafadda sida ku cad Qod: (22aad) Farqadiisa 1aad iyo 2aad Dastuurka KGS.
  10. Nidaamka dhaqalaha Koonfur Galbeed wuxuu u shaqeeyaa sida shirkad gaar loo leeyahay.

Madaxweynahu wuxuu ku takrifalay dhaqaalaha Koonfur Galbeed mudadii uu joogay xafiiska isagoo bil walb aduun lacageed ku bixiya safaradiisa Muqdisho iyo Turkiga iyadoo shacabkii kasoo barakacay Goboladda Koonfur Galbeed gaajo iyo macluul ugu dhimanayaan deeganada Koonfur Galbeed.

  1. Madasha wuxuu walaac ka muujinaayaa in Hogaanka koonfur Galbeed uu kasii fogaanayo danta iyo midnimada isagoo isku dayay in aragtida shacabka xoog lagu maquuniyo.Madaxweynaha KGS wuxuu is hor istaag ku sameeyay masuuliyiin u dhalatay KG una safraayeen deegaanada Koonfurl Galbeed si ay u gutaan xuquuqdooda dastuuriga ah sida ku cad dastuurka Dowlad Goboleedka Qod: (16aad) Farqadiisa 1aad.
  2. Ma jiro hal balanqaad oo ka fulay balanqaadyadii uu ku dhawaaqay hogaanka Koonfur Galbeed kuwaas isugu jirey:

(1) Amniga: (2) Horumarinta dhaqaalaha: (3) Dhisida Kaabiyaasha dhaqaalaha: (4) Horumarinta ganacsiga; (5) Waxbarashada; (6) Beeraha; (7)  Xoolaha; (8) Kaluumaysiga; (9) maalgashiga midka dadweynaha kan caalamiga ah; (10) Dhiiragelinta fursadaha shaqo; (11) Garsoorka iyo Cadaalada; (12) dib u dhiska iyo dib u heshiisiin; (13) sareynta sharciga iyo (14) Diyaarinta iyo horumarinta qoraalka Afka mayga.

Haddaba Madasha waxay:

  1. Baaq u diraysaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibedba, Dowlada Federaalka, Beesha Calaamka iyo Hay’adaha samafalka in la dardargaligo gurmadka abaaraha deegaanadda Koonfur Galbeed.
  2. Madashu waxay ka digaysaa muddo kororsi sharci daro ah ee u damacsanahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee watqtigiisa ku eg 18 December 2022
  3. Madashu waxay aaminsanatahay in Xildhibaanadda la sheegay in xilka laga qaaday sharci darro tahay sidaa darteed, weli yihiin Xildhibaano sharci ah sida uu dhigaayo Dastuurka KG Qod:((42aad) Farqadiisa 1aad, 2aad ,3aad iyo 4aad.
  4. Madashu waxay ku baaqaysaa xildhibaanada Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah la xisaabtanka Madaxweynaha KG iyo xukuumadiisa mudada uu xafiiska joogay.
  5. Madashu waxay ku baaqaysaa in si deg deg loo furo kalfadhiga Baarlamaanka DGKS, loona madaxbaneeyo Xildhibanaada inay doortaan Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda.
  6. Madashu waxay ku baaqaysaa in doorkii Odayaasha dhaqanka KG dib loo soo celiyo sida uu qabo Dastuurka Qod:(59aad) Farqadiisa 1aad maadaama Madaxweynaha laalay doorkoodii.
  7. Madashu waxay ka digeysaa in hantida Dowlada loo isticmaalo dana shakhsi maadaama aysan jirin daah furnaan dhaqaale iyo isla xisaabtan hufan, nidaamka dhaqalaha Koonfur Galbeed wuxuu u shaqeeyaa sida shirkad gaar loo leeyahay.
  8. Madashu waxay ugu baaqaysaa dhamaan siyaasiinta, odoyaasha dhaqanka, Ganacsatada, culamaa’udiinka, dhalinyarada, qurba joogta iyo haweenka kasoo jeeda Dowlad Goboleedka KG inay u istaagaan sidii loo badbaadin lahaa Koonfur galbeed loona heli lahaa doorasho waqtigeeda ku dhacdo Diseembar 2022.
  9. Madasha waxay aamin sanatahay masuuliyad dastuuri mid hogaamineed inuu ka saran yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’isul Wasaaraha XFS sidii KG doorasho xor iyo xalaal ah waqtigeeda ugu dhici lahayd dabayaaqada sanadkaan Disembar 2022.