Deni oo magacaabay Juxa, Faroole, taliyaha sirdoonka iyo xubno kale oo miisaan leh

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay wasiirro cusub oo ku biiraya xukuumadiisa, kadib dikreeto caawa ka soo baxday xafiiskiisa, taas oo qodobada loo cuskaday ay ka mid tahay “Baahi loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.”

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA). S/guuto Jamaal Carab Yuusuf ayaa loo magacaabay Agaasimaha Hay’adaas.

Madaxweyne Deni oo sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxayn xafiiskiisa, wuxuu go’aan kaan kala tashaday xu-xigeenkiisa Axmed Karaash, wuxuuna soo magaabay shan wasiir oo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya uu ku jiro.

Cabdi Faarax Juxa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha XFS ayuu Saciid Deni u magacaabay wasiirka arimaha gudaha, federalka iyo dimuqraadiyadda ee maamulka Puntland.

Sidoo kale wasiirkii horay u joogay wasaaradaas arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo bedelay wasiirka Maaliyadda Puntland, waxaana meesha ka baxaya Xasan Shire Abgaal.

Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) ayuu Deni u magacaabay wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland, Maxamed waxaa adeer u ah madaxweynihii hore ee Puntland, hadana ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee dowladda federaalka. Waa Cabdiraxmaan Faroole.

Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland, halka Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maamulkaas.