Saddexda walaalaha ah ee ku kulmay furinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada iyo warbaahinta maxalliga ah waxaa qabsaday hadal-heyn ku saabsan saddex wiil oo walaalo ah oo ku jira hal furin oo ka mid ah deegaannada uu ka socdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ku dhawaaqday dowladda Soomaaliya.

Cabdifataax Cali Cabdulle Xalane, oo ah 31 jir, Cabdixakiin Cali oo ah 27 jir iyo Cabdi-Asad Cali, oo ah 21 jir oo dhammaantood isku hooyo iyo isku aabbe ah ayaa ku biiray dagaalka, iyagoo qeyb ka ah ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee garabka siinaya maleeshiyada qabaa’ilka is-abaabulay ee wajahaya Al-Shabaab.

Saddexda walaalaha ah kan ugu weyn, oo ah Cabdifataax Cali Xalane ayaa BBC-da u sheegay in ay go’aan wadajir ah gaareen.

“Xaaladda jirta ayaa keentay inaan hal meel kasoo wada jeesanno, taasoo ah in deegaankeenna iyo dadkeenna aan ka xoreyno kooxda cadowga ah ee Al-Shabaab oo muddo 18 sano ah ku heysay gumaad iyo gumeysi,” ayuu yiri.

Isagoo sharraxaya sababta ay iyagoo saddex walaalo ah hal meel uga wada dagaallamayaan ayuu yiri: “Waxaan sidaas u go’aansannay in maanta ay taagan tahay fursad, oo deegaannadii aan kasoo jeednay ay maanta dadkooda iyo mas’uuliyiintoodii oo dhan u istaageen in la xoreeyo.

“Fursaddaas ayaan meesha ka aragnay. Saddexdeennaba hal meel ayaan isku garab taagan nahay, hal koox ayaan wada nahay, waxaana rajeyneynaa, in shaa Allaah, inaan si wadajir ah guul u wada gaarno.”

Cabdifataax oo saddexda wiil ugu weyn ayaan helnay. Nooma suurtagelin in aan la hadalno labada kale.

Ciidanka ay ka tirsan yihiin wiilashan waxa ay ku sugan yihiin deegaanka Sinadhaqa oo ku yaalla duleedka magaalada Dhuusamareeb, oo ah magaalo madxada Dowlad-goboleedka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

Maxaa ka socda Sinadhaqa?

War-saxaafadeed maanta kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in: “Ciidamada Xoogga Dalka ee ka howlgalaya deegaanka Sinadhaqa ee Gobolka Galguduud ay dileen 15 ka tirsan Al-Shabaab kaddib markii ay isku dayeen in ay dib u soo weeraraan saldhigyo ay Ciidamada Qaranku ka saareen maalin ka hor”.

Waxa ay wasaaraddu sheegtay in weerarka ka hor ay ciidanka halkaas ku sugan heleen macluumaad ay soo gudbiyeen shacabka.

Bilihii la soo dhaafay waxaa deegaannadaas ka socday abaabul xoog leh oo ay sameynayeen dadka deegaanka oo sameystay ciidamo la magac-baxay “Macawisley”.

Shacabka is-hubeeyay ayaa sheegay inay go’aansadeen sidii ay dagaal ula geli lahaayeen Al-Shabaab oo farriimo ku leh meelo ka mid ah bartamaha Soomaaliya.

Cabdifataax Xalane oo sheegay inuu farriin u dirayo shacabka Soomaalida ah ayaa yiri: “Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in la joogo waqtigii dhammaadka u ahaa Al-Shabaab, ayna iska dul qaadaan, loogana faa’iideysto fursadda jirta iyo yididdiillada shacabka oo u taagan, dowladda Soomaaliyana ay diyaar u tahay inay ciidamada xoogga dalka garab siiyaan dadka deegaanka.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tan iyo markii xilka loo doortay ku celcelinayay in ujeeddada ugu weyn ee dowladdiisa ay tahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Meelo kala duwan ayay dagaalladan ka dhaceen ilaa hadda.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay hubeyneyso qabiillada.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” oo dhawaan ka hadlay kacdoonka shacabka ee ka socda qaar ka tirsan maamul goboleedyada ayaa digniin u diray shacabka.

“Qabaa’illadaas waxaan u sheegayaa in la doonayo in dano gaar ah la idinku gaaro, kaddibna meel cidlo ah la idinkaga tago, idinkoo halaagsamay,” ayuu yiri Cali Dheere.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale u hanjabtay beelaha is abaabulay ee dagaalka wada, oo ay u sheegtay in “reerkii ama jufadii  ka hor timaada Al-Shabaab oo la dagaallanta ay beylah u tahay gacanta iyo seefta kooxda.”

Qoyskii Xalane

Saddexda wiil ee walaalaha ah ayaa kasoo jeeda qoyska halgame Maxamed Cabdulle Xalane, oo adeerkood ah.

Xalane oo ka tirsanaan jiray militeriga dalka Soomaaliya ayaa 1964-kii u dhintay calanka dartiis, xilligaas oo uu dagaal dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxaa markii dambe loogu magac-daray xerada tababarka ciidamada ee Xalane, oo hadda ah meesha saldhigga u ah hay’adaha caalamiga ah iyo ciidamada ajaanibta ah ee ku sugan Muqdisho.

Cabdifataax Cali Xalane ayaa wareysiga uu BBC-da siiyay ku sheegay in aabbihiis uu sidoo kale ka tirsanaan jiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, uuna dhintay 2011-kii.

Hooyadiis iyo waaliddiintiisa kale ayuu sheegay inay ka war qabaan.

“Waalidkeennu way og yihiin inaan ka tirsan nahay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, diyaarna u nahay inaan dadkeenna iyo dalka u adeegno,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor sii horreysay sheegay in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan “uu ku jiro dareenkaas [la-dagaallanka Al-Shabaab],” isla markaana ay bogaadinayaan, kuna dhiirrigelinayaan in lagu sii socdo.

“Dowladdana wax ay kari karto oo ay qaban karto oo ay ka reebaneyso ma leh, maanta in nimankaan nabad-diidka ah dalka laga xoreeyo,” ayuu sii raaciyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay mar uu ka hadlayay shir-madaxeedka Qaramada Midoobay ku celiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaab iyo kooxda la baxday Dowladda Islaamka, isagoo sheegay inay markan ku xisaabtamayaan gacanta ay ka helayaan shacabka.

“Hadda waxaan kalsooni ku qabnaa in taageero aan ka heleyno shacabka awgeed ay dowladdeennu burburin doonto argagixisada ka howlgasha Soomaaliya, sababtoo ah dadka Soomaaliyeed waxay ugu dambeyn garowsadeen in ficillada gurracan ee Al-Shabaab aan la soo afjari karin ilaa aan si wadajir ah u hirgelinno arrintaas.”

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo lagu faafiyay bogga Telefishinka Qaranka, ciidan Mareykan ah ayaa taageeraya dowladda.

Dagaalka ay maleeshiyada qabaa’ilka qeybta ka yihiin ee looga soo horjeedo Al-Shabaab ayaa ka socda deegaanno ka kala tirsan dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed.

Isha: BBC Somali