Puntland oo si adag uga hortimid tallaabo ay qaaday DF

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda Kalluumaysiga ee dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga hortimid go’aan dhawaan kasoo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo la xariiray shati bixinta Kalluumeysiga .

Qoraal kasoo baxay 21-kii bishaan Wasaaradda Kalluumaysiga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shati aan kasoo bixin wasaaradda ay u aqoonsan yihiin wax kama jiraan, cidii ku Kalluumaysatana ay ku jirto liiska kuwa sharci daradda lagu eedeynayo.

Wasaaradda Kalluumaysiga ee dowlad-goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay maanta ku sheegtay in go’aanka dowladda federaalka uu yahay mid sharci darro ah, islamarkaana si toos ah uga hor imanaya Dastuurka dalka qodobkiisa 44-aad, kaasi oo dhigaya in qeybsiga kheyraadka dalka ay ka wada xaajoon karaan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

“Wasaaradda waxay aad uga xun tahay hadal qoraaleedkii kasoo baxay shirkii 21/9/2022 dhex-maray Wasiirka Kalluumaysiga dowlada federaalka iyo Safiiro ajnabi ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in go’aankaan uu si toos ah u baalmarsan yahay heshiisyadii ka dhacay Baydhabo iyo Addis-Ababa ee qeexayey hab-qeybsiga khayraadka badda ee Soomaaliya, kaasi oo cadeynaayeyna in wixii ka hooseeya 24 nauical miles ay mas’uul ka yihiin maamulada dalka.

“Haddaan la xurmeyn qodobka Dastuuriga ah ee sida tooska ah u faraya in Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah inay ka wada xaajoodaan kheyraadka dabiiciga ah, waxay halis ku noqoneysa deganaanshaha amni ee dalka, taasi oo horsedi doonta xasilooni daro siyaasadeed.”

Ugu dambeyntiina waxay ugu baaqeen Madaxda Wasaaradda Kalluumaysiga dowlada federaalka Soomaaliya inay raali-gelin ka bixiyaan arrintaas, islamarkaana dhawraan hanaanka ku dhisan heshiiska iyo wada-tashiga ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowladda-goboleedka Puntland.