AL-SHABAAB oo jab xoogan kala kulmay soo rogaal celin ay ka sameeyeen deegaanka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaicsay in ciidamada xooga dalka ee ka howl-galaya deegaanka Sinadhaqa ee gobolka Galgaduud ay dileen 15 dagaal-yahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa dagaal saacado badan qaatay waxay la galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Sabaab oo weerar kusoo qaaday, rabayna inay dib ugala wareegaan saldghigyo ciidamada qaranka ay ka saareen maalin ka hor, sida lagu shegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya.

“Ciidamada xooga oo hayay macluumaadka argagixisada iyaga oo ka faa’iidaysanaya Sirdoonkooda iyo Wada-shaqeynta shacabka deegaanka ayaa si xirfadaysan u jabiyay isku-dayga argagixisada.”

Sidoo kale waxaa lagu yiri War-saxaafadeedka “Dowladda Soomaaliya waxay xusuusinaysaa dhalinyarada Al-Shabaab ee ay marin habaabiyeen in waqtigu gabaabsi ku yahay ayna sii yaraanayso fursadda ay u haystaan in ay kaga baxaan safka argagixisada,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Waxa kale oo lagu sheegay qoraalka in kacdoonka shacabka Soomaaliyeed uu yahay kan micnaha u yeelaya halganka xoraynta dalkeena, ayada oo dowladda midaas ku bogaadisay shacabkeeda.

Ugu dambeyntiina waxay u mahad-celisay saaxiibada caalamka, ayada oo si gaar ah u xustay dowladda Maraykanka iyo howl-galka ATMIS ee qeybta ka ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.