Qabiilo cusub oo ku biiray dagaalka Shabaab iyo qoysas ilmahooda kala soo baxaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Qabiilo cusub ayaa ku biiray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Ruuxiyadda dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab waa gadoodka qabiilada.

Waqti dheer ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa hor taagnaa kooxdan laakiin waa gaarsiin waayeen heerka uu kacdoonka maanta joogo.

Gobolka Hiiraan beel cusub ayaa ku biirtay dagaal natiijadiisu muuqato oo weli ka socda gobolka ugu wax soo saarka badan gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale, caasimadda Muqdisho beesha madaxweyne Xasan Sheekh ee Mudullood ayaa u fariisatay wada-tashi ku aadan sidii ay dhulkooda uga xoreyn lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Beeshaan oo ay Al-Shabaab ka haysato dhul badan waxaa la aaminsan yahay in haddii ay dagaalka toos usoo galaan ay wax badan deg deg isku badali doonaan.

Wararka kale ee ka imanaya dagaalka ayaa sheegaya inay jiraan qoysas iyo waalid billaabay inay carruurtooda kala soo baxaan dhanka Al-Shabaab xilli dowladda Soomaaliya ay qabatay koox kamid ah dagaalmayaasha Al-Shabaab dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay.

Walaaca ugu badan ee qoysasku waa inay wiilashoodu gacanta u galaan qabiilo careysan oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay gumaad lagu hayey.

Al-Shabaab waxay isticmaali jirtay aragti ah inay deegaan walba madax uga dhigto qof aan u dhalan si aysan dadka u helin naxariis iyo xukun jilicsan. Ciidanka ayey sidoo kale sidaas ku sameeyeen laakiin maadaama qabiilada kaceen waqtigaan waxaa dhici karta in askarta Al-Shabaab ay qabiilo careysan gacanta u galaan.

Waalidka dhalay dhallnyaradaas inkastoo ay markii hore ku guul-dareysteen inay carruurta ka reebaan kooxda, haddana walaacoodu wuxuu hadda daaran yahay in caruurtooda aargoosi loo laayo.

Iyadoo uu dagaalka sii xoogeysanayo Al-Shabaabna ay goobo badan isaga baxeen ayaa hadda waxaa la is waydiinayaa dariiqa ugu sahlan ee dhallinayarada rabta inay kasoo baxdo kooxda.

Qoysaska raba inay carruurtooda dib ugu soo laabtaan ayaa sidoo kale ka walaacsan waxa ay wiilashooda la kulmi doonaan haddii ay isku dayaan inay si qarsoodi ah kusoo celiyaan.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay sameyso xarumo ay iska soo dhiibi karaan dagaalamayaasha doonaya inay kasoo laabtaan fikirkii hore oo ay hubka dhigaan.

Khubarada amniga waxay ku baaqayaan inay dowladda Soomaaliya sameyso xiriiro toos ah oo la garanayo oo ay beegsan karaan kuwa raba inay isa soo dhiibaan oo ay ka tanaasulaan fikirka Al-Shabaabnimada.

Sidoo kale, in la helo goobo dib u hagaajin ku sameeya nolosha iyo fikirka dhallinayaradaan la khalday ayaa muhiim ah, ayey leeyihiin dadka soo jeedinayo inay dowladda xal u raadiso kuwa raba inay naftooda lasoo baxsadaan oo ay fikirkii hore ka tanaasulaan.

Dhawaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in la duqeyn doono dhammaan goobaha ay joogaan kooxda Al-Shabaab, wuxuuna dhallinayarada weli kooxda u dagaalanto ugu baaqay inay naftooda soo badbaadsadaan.