Madasha Xisbiyada oo 9 qodob oo xasaasi ah kasoo saartay doorashada 2020

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay uga digtay in doorashooyinka Soomaaliya ay ka dib dhacaan waqtigii loogu talo-galay, oo aan la aqbali karin in dib loo dhigo.

Qoraal ay soo saartay Madasha ayey ku sheegtay inay garowsatay “in xukuumadda hadda jirta ay ka caga-jiideyso taaba gelinta hannaanka xisbiyada badan, ayna faro-gelin ku hayso guddiga labada gole ee diyaarinta xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka qaranka.”

“Doorashooyinka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waa inay ku dhacaan xilligii loo asteeyay, waana inaysan dhicin wax mudo kordhin ah. Doorashooyinku waa inay noqdaan kuwo xor iyo xalaal ah kuna dhaca si daahfurnaan leh,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Madasha ayaa sidoo kale ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah hannaanka Federaalka inay u qoondeeyaan dhaqaalo doorashooyinka soo socda, taasoo hadda aanan ka muuqan, baa la yiri qoondeynta dhaqaale ee 2020.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sidoo kale dalbatay in Saamileyda siyaasadeed oo ay ka mid yihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, xisbiyada siyaasadeed iyo ururada Bulshada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan in la abuuro xaalad deegaaneed oo lagu hirgelin karo doorasho sax ah.

Hoos ka aqriso qoraalka Madasha oo dhameystiran