Madasha Xisbiyada oo ka digay halis ka dhallan karta hindise-sharciyeed la hor geynayo golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hor imaaday Hindise-sharciyeedka Ha’adaha aan Dawliga ahayn, 2019 ee ay soo gudbisay Wasaarada Qorsheyntu isla markaasna ay Maanta ka doodayaan Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Madasha Isbiyada Qaran ayaa sheegay  Macnaha ugu weyn ee ku duugan xeerkan uu yahay  in ay  Wasiirka u suuro gasho go’aan ka gaarista meesha iyo sifaha hay’adaha deeqaha bixiyaa u qeybinayaan  kaalmooyinka dibadda ka yimaada iyadoo “hay’ada shaqadeeda aan lagu qancin” lagala noqon doono  ogolaanshaha, go’aanka Wasiirkuna yahay kama danbeys.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka Ha’adaha aan Dawliga ahayn uu qabad ku noqon doono heshiisyadii lala galay Somaliland oo dhigayay in aan la  siyaasadeyn arimaha gargaarka banii’aadanimo iyo mashaariicda horumarinta iyadoo laga dheeraanayo  soo saarista go’aamo ama sharciyo abuuri kara kala fogaansho ama hoos u dhac ku yimaada kalsoonida  labada dhinac.  Sidoo kalana madasha ayaa xustay in ujeedada heshiisyadda laga lahaa ay ahayd in la abuuro jawi sahli kara wada hadal macno leh oo dhex mara Xukuumadda Dhexe iyo Somaliland si looga midho dhaliyo midnimo la isla ogolyahay.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Xukuumadda talada heyso u sheegay inay waajib ku tahay sii-ambaqaadida ballamihii hore loo galay iyo dedaaladii ku aadanaa soo celinta midnimada iyo karaamada umadda Soomaaliyeed lagana  taxadiro talaabo kasta oo xagal daacin karta dedaaladdii hore u socday si loo baajiyo dhaawac ku  yimaada dhab-u-heshiisiin dhex marta umadda Soomaaliyeed ee jahawareerka siyaasadeed iyo cadaalad  la’aantu kala irdheeyeen loona xaqiijiyo walaaltinimo aan ku dhisneyn handadaad iyo cago-jugelyn  siyaasadeed ama sharci.

Halkaan hoose ka daawo kadibna ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran