Shiikh Shaakir oo shaaciyey sababta ay u tanaasuleen una aqbaleen heshiiska DF

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxa Xukuumadda Galmudug isla markaasna ka tirsan hoggaanka Ahlu Sunna Wal-Jameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa soo dhaweeyey waraaqdii kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee lagu sheegay heshiiska dhex maray Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe.

War saxaafadeed uu soo saaray Sheekh Shaakir ayuu ku caddeeyay inay aqbaleen in Ahlusuna soo xulaan 20 Xildhibaan oo ka mid ah 89 Xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug, isagoo u mahadceliyay Culumaa’udiinka Ahlusuna meel kasta ay joogaan dadaalka ay geliyeen hirgelinta heshiis dhex mara dowladda Federaalka iyo Galmudug.

Sheekh Shaakir ayaa tilmaamay in sababta ay u tanaasuleen ay tahay Shacabka Galmudug dartiis isla markaasna ay aqbaleen heshiiska Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayuu uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixiyeen sidii heshiiskaan loo gaari lahaa.

Ugu dambeyntii Sheekh Shaakir ayaa Shacabka Galmudug ugu baaqay inay kawada qeyb qaataan dhismaha Maamulka Galmudug.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda Ahlu Sunna kasoo baxday