Madasha Xisbiyada Qaran oo cadeeyey mowqifkooda go’aannadii Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta war kasoo saaray shirka wada-tashi ee u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamulada dalka, iyaga oo bogaadiyey war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkaasi.

Madasha ayaa sheegtay inay si weyn u soo dhaweynayso go’aamadii kasoo baxay shirkaasi, oo ugu muhiimsana in doorashadu xiligeeda ku dhacdo, si looga baaqsado muddo kordhin.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Madasha ayaa waxa kale oo lagu sheegay inay adkeynayso in guddiga farsamo ee lagu heshiiyay dhakhso loo magacaabo, kuwaasi oo si deg deg ah uga howl-gala arrimaha farsamo ee loo igmaday.

Sidoo kale waxa qoraalkaasi lagu sheegay in Madashu ay si dhab ah u rabto in dowladda federaalka iyo maamuladu ay u fuliyaan dhamaan qoddobadii lagu heshiiyay, oo aysan iska noqon qoddobo aan hirgelin.

Madasha ayaa si weyn uga digtay in la iska indho tiro xaqiiqada iyo halista ka dhalan karta haddii aan heshiisyada xiligan la galayo aan la fulin, iyadoona soo jeedisay in dar-dar xoogan la galiyo fulintooda.

Ugu dambeyntiina Madasha ayaa waxay sii adkeysay mowqifkeedii ahaa inay doorashadu xiligeeda ku qabsoomto,  iyada oo laga baaqsanayo inuu dalku galo firaaq dastuuri ah iyo muddo kordhin.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Madasha oo dhameystiran