Video: FARMAAJO oo shaki badan ka muujiyey doorasho qof iyo cod ah + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay khudbad dheer oo uu ka jeediyay shirkii Dhuusamareeb ee wada-tashiga dowladda federaalka iyo maamulada dalka, waxa uu ugu dambeyn shaki badan uga muujiyey doorashada qof iyo cod.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si dadban u sheegay in hanaanka doorasho ee qof iyo cod uusan hubin in uu dib ugu soo laaban doono haddii la isku raaco inay dalka ka dhaco, halka mucaaridku taasi badalkeeda aaminsan-yahay.

Farmaajo ayaa si cad u sheegay inuusan si dhab ah u sheegi karin inuu ku soo bixi karo haddii ay dhacdo doorashada qof iyo cod ee muranka badan ka dhalisay qabsoomida doorashada dalka.

Sidoo kale waxa uu xusay inay ka go’antahay oo kaliya inuu gacanta shacabka ku celiyo masiirka dalka, isla markaana ay iyagu go’aamiyaan cida dalkan hogaamin doonta, isla markaana uu uga tago wax dhaxal gal ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqda mid laga fahmi karo inuusan u diyaarsaneyn galida doorasho uu ku guuleysto, hase yeeshe uu raba inuu waqti dheeriya u helo talada dalka, taasi oo ay ka digtay saamilayda siyaasadu.

Waxa kale oo uu hadalka Farmaajo kusoo aadaya xili ay VILLA SOMALIA wado qorshe muddo korodhsi, kaasi oo loo marayo sidii ay u dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah, oo xiligan aan si buuxda loogu diyaar garoobin.

Hoos ka daawo muuqaalka