Ururada bulshada rayidka oo war yaab leh kasoo saaray go’aanadii Dhuusamareeb

Istar Cabdi YuusufBy Istar Cabdi Yuusuf

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Prof. Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ayaa ka hadlay shirkii ku soo dhammaaday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, gaar ahaan qodobadii ka soo baxay shirkaasi.

Shirwac oo ka mid ah xubnaha ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in aan la’isku haleyn karin war-murtiyeedka ka soo baxay shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, isaga oo hoosta ka xariiqay in qodobada la soo saaray ay yihiin kuwo waqti lumis, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in labada dhinac aysan daacad aheyn, islamarkaana uu weli u dhexeeyo mad-madow siyaasadeed.

Prof. Shirwac oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in guddiga farsamada ee lagu dhawaaqi doono in uusan waxba qaban karin, maadaama uusan waxba kala socon kulamadii adkaa ee dhacay, kuwaas oo u dhexeeyey dowladda iyo maamullada dalka.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaalida inay ka run sheegaan xaaladaha jira, si loogu gudba caqabadaha horgudban doorashooyinka 2020/2021-ka.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay war-murtiyeed ka kooban 8 qodob laga soo saaray shirkii Dhuusamareeb oo sidoo kale ay heshiis ku gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.