Caynte oo shaaciyey dhinac ay awooddiisa ku wiiqantay go’aanadii Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeed ka kooban sideed qoddob ayaa xalay laga soo saaray shirkii Dhuusamareeb ee u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Shirkaasi oo uu shir guddoominayey madaxweyne Farmaajo ayaa waxa looga wada-hadlay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka Soomaaliya, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha doorashooyinka dalka.

Haddaba, Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa ka hadlay waxa uu ka dhigan yahay war-murtiyeedkaasi, isagoona dul istaagay qaar kamid ah qoddobada war-murtiyeedkaasi.

Cabdiraxmaan Caynte oo u waramayey idaacada VOA-da laanteeda Af Soomaaliga ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay in madaxda dalku ay wada fariistaan, iyaga oo wax iska weydiinaya masiirka umadda ay matalaan..

Caynte ayaa sheegay in qoddobada kasoo baxay shirkaasi ay ahaayen kuwo ay hore u sheegen madaxda dowladda iyo kuwa maamuladu, isla markaana uusan macno buuran sameynayn war-murtiyeedkaasi.

Waxa kale oo uu xusay Caynte in qoddobo ku jira war-murtiyeedkaasi ay wiiqayaan awoodii golaha shacabka ee doorashooyinka, xili uu xalay madaxweyne Farmaajo uu sheegay inuu tallada kula laaban doono baarlamaanka.

Caynte ayaa rumeysan in haddii guddi farsamo oo labada dhinac ah la sameeyo ay meesha ka baxayaan golayaasha kale ee sharci dejinta iyo guddigii qaranka ee doorashooyinku.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in xiligan ay suurta-gal tahay in bilooyin dhowr ah ay doorashadu dib u dhacdo, taasi oo noqoneysa muddo kordhin dad-ban oo lagu dhameynayo howlaha hortaagan qabsoomida doorashooyinka, kaasi oo meesha ka saaraya rabitaankii saamileyda siyaasada.

Cabdiraxmaan ay waxa kale oo uu si dadban usheegay doorashada qof iyo cod ee qorsheynayso VILLA SOMALIA ay wax badan ku hoos duugan yihiin, taasi oo suurtagelinaysa inay dhacdo wax ka duwan waxa hadda socda.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay in gacmaha la isku qabsado sidii ay doorashadu u qabsoomi laheyd, iyada oo meesha laga saarayo khilaafkasta oo soo kala dhex-gala madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulada.