Beesha Maxamed Camal ee Duduble oo Muqdisho ku caleemo saartay 11 xubnood

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha Maxamed Camal ee Duduble Ayaa Muqdisho ku qabatay kulan lagu caleemasaarayay xubno 11 ka kooban oo isugu jira Ganacsato iyo Dhaqan.

Gogosha Caleemasaarka waxaa ka qeybgalay Ganacsato, Culumo, dhaqan iyo waxgaradka beesha Max’uud Hiraab ee Duduble.

Fu’aad Warsame Oo ah Afhayeenka Beesha Maxamed Camal oo kulanka daadihinayay ayaa sheegay in Gudigaan loo aas aasay  sidii deeganada beesha ay degto looga hormarinlahaa dhinacyada: Caafimaadka, Waxbarashada, deegaanka iyo isku xirna dhaqan beesha.

Masuuliyiintii hadlay waxaa ka mid ahaa Sheekh Xasan Cabdi Kheyre  oo ka mid ahaa  Nabadoonadii kulanka ka qeybgalay waxa uu sheegay in beesha looga baahanahay in gudiga ay garab istagaan si ay u gutaan masuuliyadda loo igmaday.

Xoghayaha Dhaqanka Guddiga Cabdi Cali Max’ed iyo Guddoomiye Ku xigeenka dhanka ganacsiga ee Guddiga Dhaqanka Gnaacstaada beesha  Max’ed Camal ayaa si wadajir ah u sheegay in Guddiga uu u baahanyahay garab iyo iskaashi u fududeynkara in hormar buuxda uu ka gaaro hormarinta deegaanka, waxbarashada, caafimaadka.

Guddoomiyaha Guddiga Dhaqanka ganacstaada beesha Maxamed Camal C/raxmaan Xasan Qorrax oo soo qatimay kulanka ayaa sheegay in beesha looga baahanyahay isku duubni iyo iskaashi si loo daboolo baahida ka jirta deeganada ay degto beesha.

‘’Guddigaan qabiil qaas looma fiirinayo kaliya waxaa loo aas aasay in lagu hormariyo deeegaanka, sida waxbrashada Caafimaadka iyo isku xirka dhaqanka.

Waxaan codsaneyaa in garab lagu siiyo guddiga, masuuliyadda loo igmayna loogu duceeyo’’.

Magacyada Guddiga:

1: C/raxmaan Xasan Cali Qorrax: Guddoomiyaha Guddiga Dhaqanka ganacsatada Beesha Maxamed Camal

2: Cabdi Xirsi Dhoolweyn:  K/Xigeenka Guddoomiyaha dhinaca Dhaqanka

3: Cabdi Cabdullaahi Xirsi Shuuke: K /Xigeenka Dhanka Ganacsiga

4: Cabdi Cali Max’ed: Xogahaya Guud ee Dhaqanka

5: Cali Sheekh Yaasiin: Xogahaya Guud ee Ganacsiga

6: Saciid Xaaji Maxamed: Xiriirka Gobolada

7: Farxaan Xuseen Xeydar: Xiriirka Dibadda

8: Cali Sheekh Fareey: Xogahaya Guud ee Maaliyadda

9: Cimi Geeddi Tooxoow:  Xiriirka Dhaqanka iyo Ganacsiga

10: Cabdi Farax Guuleed Jukaato: Xiriirka Beesha Maxamed Camal

11: Maxamed Cabdi Axmed Tuulo: Qasnajiga Guud ee Guddigga