Madasha Xisbiyada Qaran oo shaacisay qodob labaad oo uu Farmaajo ka baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in afar Maalin kadib uu madaxweyne Farmaajo ka baxay qodob ka mid ah heshiiskii ay la galeen.

Xildhibaanka ayaa sheegay in kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Madasha Xisbiyada ku yeesheen Villa Somalia ay balantu aheyd in aan la siyaasadeyn ciidamada, hase yeeshee taasi laga baxay, isla markaana ciidamada dowladda loo adeegsaday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir ayaa sidoo kale dalbaday in kulanka baarlamanka ee maanta oo ay hor imaanayaan Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska lagu soo daro taliyaha Nabad-Sugida Somalia Fahad Yaasiin, islamarkaana ay baarlamaanka hortiisa su’aalo ku weeydiinayaan.

Waxaa uu intaasi ku daray in marnaba aysan ogolaaneyn in la galo marmarsiiyo, islamarkaana lagu amro in saxaafadda ay banaanka ka joogto kulanka.

Hadalka Xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir ayaa daba socday kadib markii Xildhibaan Daleys Xasan Aadan kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ay shalay kulankii baarlamanka ka sheegtay in loo diiday inay ka dhoofto Garoonka Aadan Cadde ayada oo loo sheegay inay amarkaas bixisay NISA.

NISA ayaa beenisay inay bixisay wax amar ah oo lagu hor-istaagay xildhibaan Daleys.

Eedeynta cusub ee Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ah tii labaad oo ay u jeediyaan madaxweynaha ayada oo dorraad ay sidoo kale Madashu sheegtay in madaxweynaha uu ka baxay qodob kale oo lagala hadlay oo ahaa arrinta gobolka Gedo.

Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Cabdifataax