Sawirro : Roobabkii xalay ka da’ay MUQDISHO oo khasaare badan sababay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay gelinkii dambe illaa xalay Muqdisho ka da’ay roobab ay ka dhasheen daadad xoogan oo sababay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey waxaa roobabkaani ku dhintay labo qof, iyadoo la soo badbaadiyey illaa saddex caruur ah oo dhismo uu ku soo dumay.

Saameynta ugu daran ayaa waxaa ay daadadku ku yeesheen dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danta yar ee ku dhaqan magaalada Muqdisho

Sidoo kale biyaha ayaa jaray inta badan Waddooyinka Caasimada, iyadoona saaka aysan shaqeyneyn gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay intaba.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay kormeeray xaafadaha ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabkaasi.

Duqa Muqdisho ayaa booqday degmooyinka Boondheere, Shangaani, Xamarweyne, Wadajir, Xamar-ajab iyo Hodan, isagoo u u kuur galaya sida ay tahay xaaladda.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa faray waaxyaha gurmadka deg degga ah in ay u istaagaan ka hortagga dhibaatooyin bani’aadanimo oo ka dhashay daadadkaasi.