Xog: Khilaaf u dhaxeeya Cumar Filish iyo Kheyre oo hakiyey howlihii gobalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ma jirto wax shaqo ah oo muuqda oo ka socda aqalka dowladda hoose ee gobalka Banaadir tan iyo markii la magacaabay Cumar Maxamuud Maxamed Filish waxaana sabab u ah khilaaf soo jiitamayay oo u dhaxeeya isaga iyo Kheyre.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in uu sii xoogeestay khilaafka labada mas’uul, islamarkaana aad looga dareemayo magaalada Muqdisho.

“Shaqo ma socoto waxaana sii xumaanaya xiriirka ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha aad ayaana looga dareemayaa aqalka dowladda hoose” ayuu yiri mas’uul ka tirsan maamulka gobalka oo la hadlay Caasimada Online.

“Guddoomiyaha aad ayuu isugu buuqsan yahay waxaana ka muuqato in uu wadi la’yahay shaqada gobalka sababtoo ah aad ayaa loo curyaamiyay, wax uusan fileen ayuuna kala kulmay halkaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mas’uulka aan la hadalnay.

Sarkaal ka tirsan xafiiska Kheyre oo aan la hadalnay ayaa sidoo kale xaqiijiyey inuu khilaaf jiro balse wuxuu ka gaabsaday inuu faah-faahin bixiyo.

Khilaafka labada masuul ayaa salka ku haaya shaqada gobalka oo markii hore aheyd mid laga soo go’aamiyo xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo sidoo kale maamulka lacagta gobalka oo inta ugu badan ku bixi jirtay xafiiska Kheyre balse hadda laga weeciyay.

Masuuliyiinta aan la hadalnay ayaa sheegay in hadii aan si deg deg ah loo xilin khilaafka labada masuul in ay gobalka ku reebi karto xaalad adag oo siyaasadeed islamarkaana ay curyaamin karto shaqooyinka horyaala gobalka Banaadir iyo dowladda dhexe.