Sawirro: SOMALILAND oo Hargeysa ku xirtay 9 nin oo u dhashay Imaaraadka

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xabsiga u taxaabtay Niman u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo ka dhoofi rabay garoonka diyaaradaha ee Cigaal.

Nimankan oo tiradoodu dhameyd ilaa 9-nin ayaa la sheegaya in ciidamada booliska Somaliland ay xireen xili ay u dhoofayeen garoonka Hargeysa, kuwaasi oo ku sii wajahnaa dalkooda.

Sagaalkan Nin ee u dhashay Imaaraadka ayaa waxay gudaha Somaliland kaga ugaarsan jireen si sharci daro ah, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Somaliland.

Naasir Xuseen, Agaasimaha Duur-joogta ee Wasaarada deegaanka Somaliland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidamadu xireen Sagaalkan Nin ee u dhashay wadankaasi Imaaraadka, kadib markii la ogaaday inay si sharci daro ah uga ugaarsan jireen deegaanada Somaliland.

Agaasimaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xukuumadoodu ay sharciga marsiin doonto Nimankaasi, oo la sheegay in dhowaan ku sugnaayeen deegaan lagu magacaabo Sabo-wanaag oo ay ka fulinayeen howlahooda ugaarsi.

Mana ah markii u horeysay ee xukuumada Somaliland ee Biixi uu hogaamiyo ay xabsiga dhigto Ajaanib, iyadoona dhowr jeer oo horena ay soo saartay awaamiir ay ku fareyso Ajaaniibta ku sugan deegaanadeeda inay isa soo diiwaan galiyaan.