Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha xisbiyada Qaran ee uu guddoomiye u yahay, Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta wejiga labaad gargaar ay ugu talageen dadka ay saamyeeyen fatahaadaha u diray degmada Bardaale ee gobolka Baay.
Wafdigan oo goor dhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa hoggaminaya guddoomiyihii hore Baarlamaankii KMG ahaa, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
Lacagta ay geyn doonaan Bardaale ayaa dhan 100,000 oo Dollerka Mareykanka ah, taas oo qeyb ka aheyd 200,000 oo Dollar oo madasha xisbiyada ugu deeqday fatahaadaha.
Gargaarkan ayaa qeyb ka noqonaya gurmad xoogan oo loo fidinayo walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale.
Shalay ayey aheyd markii wafdi ay hoggaaminayeen Madaxweynayaashii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay gaareen Beledweyne oo ay geeyeen 100,000 oo Doller iyo gargaar loogu talagalay dadka ku nool magaaladaasi.
Safarkaasi oo la siyaasadeeyey ayaa waxaa ka dhashay xiisado u dhexeeya madaxdii hore ee dalka iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana labada dhinac hadallo kulul ay isku mariyeen dhanka warbaahinta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]