Wejiga 1-aad ee gurmadka fatahaadaha oo la soo gabagabeeyey (Warbixin)

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka warbixiyey dadaallada xoogan ee loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka.

Waare ayaa sheegay in la soo gabagabeeyey wejiga 1-aad ee gurmadka oo ahaa badbaadinta dadka, islamarkaana uu haatan socdo wejiga labaad ee Samafalka.

Wejiga labaad wuxuu tilmaamay in laga shaqeynayo kaliya sidii dadkaasi dhibaateysan loo gaarsiin lahaa cunto, biyo nadiif ah iyo daawo.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha HirShabelle ku baaqay in aan loo kala harin u gurmaashada dhammaan dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan magaalooyinka Bardaale iyo Beledweyne.

“Gurmadka Fatahaadda wuxuu ahaa Saddex weji, kan Koowaad wuxuu ahaa badbaadinta dadka wuuna inoo dhammaaday, waxaan hadda ku jirnaa wejiga Labaad oo ah Samofalka, xagga cuntada, xagga biyo dhaaminta, hoyga, daawada, nadiifinta magaalada, Todobaadkan ama kan dambe waxaan rajeeneynaa inuu inoo dhammaado, waxaana bilaabi doonnaa wejiga Saddexaad oo ah dib u kabashada, waxaan u baahannahay in la fuliyo Shan Mashruuc oo arrintaasi wax looga qaban karo oo ugu horreeyo Garoonka diyaaradaha in laga shaqeeyo rajo fiicanna waan leenahay.” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle.

Dowladda federaalka oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed ayaa wada qorshe ballaaran oo gurmad iyo caawimaad deg deg ah loogu fidinayo dadka dhibaateysan.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com