IMAARAADKA Carabta oo shaaciyey mowqif cusub oo ku aadan siyaasadiisa Iran

Abu Dhabi (Caasimada Online) –  Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhowaaqday mowqif cusub oo ku aaddan Iran, islamarkaana shaacisay inay dooneyso in xiisadda Iran wada-hadal lagu dhameeyo.

“Iran, dalalka gobolka iyo quwadaha adduunka waa inay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan islamarkaana raadiyaan heshis cusub oo xiisadda gobolka lagu qaboojinayo, islamarkaana dib loogu soo nooleynayo dhaqaalaha Iran” waxaa sidaas yiri wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters

Anwar Gargash ayaa sheegay in xiisadda oo kasii dartaa hadda kadib aysan cidna dan ugu jirin, islamarkaana uu rumeysan yahay in weli ay jirto fursad ay ku guuleysan karto diblomaasiyadda

Waxa uu ka digay “dookha beenta” ee ah in la kala doorto dagaal ama heshiis atomic oo aan “dhameystirneyn”.

Gargash ayaa dhinaca kale sheegay in heshiis cusub oo lala galo Iran aysan ahayn inuu ku koobnaado kaliya nukliyeerlka balse uu noqdaa mid wax ka qabanaya barnaamijkeeda gantaallada ballistic iyo “faro-gelinta ay ku hayso gobolka” ayada oo adeegsaneysa kooxo ay taageerto.

Waxa uu sheegay in qodobadaas ay macnahoodu yihiin in dalalka gobolka ay ku lug yeeshaan wada-hadallada.

Mowqifka Imaaraadka ayaa ka duwan kan dalka ay xulufada yihiin ee Sacuudiga oo aaminsan in Iran aan wada-hadal lala gelin balse cadaadiska dhaqaale ee Mareykanka uu saarayo lagu qasbo inay is dhiibto.,

Imaaraadka ayaa bilihii ugu dambeeyey muujinayey siyaasad dabacsan oo ku wajaahn Tehran, ayada oo bishii tagtay sarkaal sare oo ka socda Abu Dhabi uu si qarsoodi ah u tagay Tehran lana soo kulmay madaxda Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com