Daraasad shaacisay hal sabab oo Iran ay B/Dhexe uga awood tahay Mareykanka

Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa Millateri ahaan waxay Mareykanka kaga horeysaa Bariga Dhexe, waxaana u suurta-galiyey shabakadaheeda urur ee Bariga dhexe, sida ay sheegayso cilmi baaris uu soo saaray Machadka daraasaadka Ingiriisku.

Iyadoo la tixraacayo daraasada uu soo saaray Machadkaasi ayaa Wargeyska ‘Isreal Today’ waxa uu maanta bogiisa hore ku daabacay war uu cinwaan uga dhigay “Iran waxay militariga kaga fiican tahay Mareykanka iyo xulafadeeda bariga dhexe”.

Sidoo kale sida ku xusan daraasada Machadkaasi ayaa waxa lagu sheegay sababta Millateriga Iiran uga sareeyo ay tahay, in dowladda Iiraan ay awood ahaan u adeegsaneyso ama u mareyso ururada ay taageerto ee Xisbullah iyo Maleeshiyaadka kale ee Shiicada ah.

“Awoodda Iran ay u leedahay inay ku dhaq-dhaqaaqdo ururradeeda ay aasaastay ee Lubnaan, Siiriya, Yemen iyo Ciraaq ayaa ah habka ugu wanaagsan ee Tehraan uga dhex shaqeyn karto Bariga Dhexe” ayaa lagu yiri qoraalka daraasadaasi.

Waxay intaasi sii raacisay “Qaabkan shaqo, wuxuu siinayaa reer Iiraan inay si joogto ah uga sarreeyaan khatar la’aan iyo khasaaro la’aanba inta lagu guda jiro iska horimaadka tooska ah ee lala yeelanayo kuwa iska soo horjeeda.”

Warbixinta daraasadaasi ayaa sidoo kale waxay iftiimisay in Ciidamada Iiraan ay muhiimad weyn u leeyihiin Ururadaasi, marka loo eego dhanka barnaamijka Gantaalaha Balaastiga ah iyo barnaamijyadeeda Nukliyeerka.

Waxay sidoo kale warbixintaasi shaaca ka qaaday in dowladda Iiraan ay lacag dhan 16-Milyan oo dollar, ay ku maal-geliso gudaha dalalka Syria, Lubnaan, Ciraaq iyo Yemen, iyadoona la ogyahay in ururka Xisbullah uu helo kaalmo sanadle ah oo gaareysa 700-milyan oo doollar.

Inkasta oo Millatariga Mareykanka iyo xulafadiisu ay caadi ahaan leeyihiin faa’iido militari oo ka badan midka reer Iran ee ku sugan gobolka, haddana cilmi baaristu waxay ku nuux-nuuxsatay in Iiraan ay ka sareyso awooda waxtar ahaaneed ee Mareykanka iyo xulafadiisa.

“Marka la eego awoodda waxtarka leh, Iiraaniyiinta ayaa ka sareeya Mareykanka iyo shuraakada gobolka. Inkasta oo dowladda Iiraan saarantahay cunaqabateyntii Mareykanka, haddana Tehraan kuma dhicin isku dhac caalami ah oo macno u leh istiraatiijiyadeeda” ayaa lagu soo af-meeray Warbixinta Machadka daraasaadka Ingiriiska.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com