Dowladda Federaalka oo ka jawaabtay hadalkii Sheikh Shariif uu galabta ka jeediyay Muqdisho

Muqdisho-(Caasimada Online)-Dowladda Federaalka ayaa ka jawaabtay hadalkii galabta ka soo yeeray madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay madaxweyne Shariif ugu baaqeyso in uu ilaaliyo maqaamka uu leeyahay madaxweyne hore.

Mareeye ayaa lama filaan ku tilmaamay hadalkii uu galabta jeediyay Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

“Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa filan waa ku noqday hadalkii ka soo yeeray mudane Shariif, kaas oo aan u qalmin karaamada iyo maqaamka laga filan karo qof dalkaan astaan qaran u soo noqday” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Isagoo sii hadalayay ayuu yiri, “Waxaan madaxweynihii hore ugu yeereynaa inuu dhowro sharafkiisa iyo magaciisa kana taxa daro wax kasta oo dhaawacaya muuqaalka qaran ee uu xambaarsanyahay madaxweyne hore”.

Ugu dambeyntii wasiir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay garowsantahay in masuuliyadi ka saarantahay ilaalinta midnimada, bad qabka iyo amniga guud ee dalka.

Halkaan ka Daawo:

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=2739007346160040&id=468010099926454

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com