Xog: Xukuumadda oo aan bixin miisaaniyadii golaha shacabka dhowr bilood

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in muddo dhowr bil ah aysan Xukuumadda bixin misaaniyaddii loogu talagalay socodsiinta shaqada baarlamanka.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu u xaqiijiyay in dhowr bil aysan Baarlamaanka helin lacagtii lagu socodsiin lahaa shaqada Baarlamanka (Running Coast), taasna ay saameen ku yeelatay shaqada Baarlamanka.

“Guddoomiyaha waxa uu noo sheegay in aysan soo gaarin miisaaniyaddii baarlamanka ee socodsiinta shaqada waxaana guddoomiyaha lagu leeyahay deymo badan oo uu safar ku galay” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Lacag dhan $200,000 ayaa la sheegay in ay ku dhici jirtay akoon uu leeyahya Golaha Shacabka islamarkaana lagu socodsiin jiray shaqada Baarlamaanka balse waxaa la sheegay in dhowrkii bil ee la soo dhaafay aysan soo gaarin lacagtaasi.

Waxaan la xiriirnay xukuumadda Soomaaliya si aan wax uga weydiino sababta aan loo bixin miisaaniyadda baarlamaanka ee dhowrkii bil ee ugu dambeysay, balse wax jawaab ah kama helin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com