Madasha xisbiyada qaran oo war cusub ka soo saartay doorashada 2020/2021

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta madasha xisbiyada qaran ayaa xalay shir xasaasi ah ka yeeshay arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

Shirka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa guddoomiyey, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha madaashaasi oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee ka jira dalka, gaar ahaan kuwooda ugu saameyta badan.

Intii uu socday shirka oo ahaa dhinaca internedka ah ayaa waxaa diirada lagu saaray ahmiyada ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho la qabto xilligeeda.

Sidoo kale madasha xisbiyada qaran ayaa dalbatay in doorashada la qabanayo ay noqoto mid xor iyo xalaala ah, si looga gaashaanto xasilooni darro siyaasadeed oo timaada.

“Madasha Xisbiyada Qaran oo shir xasaasi ah ka yeelatay xaaladda dalka ayaa isku raacday in lama huraan ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda aan kadib dhicin.” ayaa lagu yiri war qoraal oo ka soo baxay Madasha.

Hadalka ka soo yeeray madasha xisbiyada qaran ayaa ku soo aadayo, iyadoo maanta uu furmayo kalfadhiga todobaad ee labada ee baarlamaanka kaas oo lagu cadeyn doono nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020-ka illaa 2021-ka.