Madax baasaboor shisheeye wadata, ma badbaadin karaan Soomaaliya?

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Hal qof labo faras hal-mar mawada fuulo” waxay kaloo tiraa “Nin labo-labeeyey ma talin” sidoo kale waxay ku maahmaadaa “Labo-wajiile laab maleh” intaas oo maahmaahood, waxay cabbirayaan, in ruuxa labo shaati leh, xaaraan tahay in madax laga dhigo.

Hoggaanka ugu sarreeya ee Soomaaliya waxay haystaan baasaboorro shisheeye, dowladaha ay wataan baasaboorradooda, ayaa ka mid ah kuwa doonaaya in ay boobaan qayraadka Soomaaliya. Akhristoow, Dhaamaan dalalkaas wuxuu sharuucdoodu dhigaayaan, in muwaadinkoodu aanu ka hor imaan karin danaha qarankooda, oo ay tahay fal damiyeed ciqaab lagu mudan karo. Sidaa awgeed boobka Soomaaliya waa danta qarankooda, oo waxay ku kobcinayaan dhaqaalahooda. Laakiin Soomaalidu waxay arakayaan in dalkooda khayraadkiisa la boobaayo, oo aan loo oogolayn in ay dhistaan dowlad xooggan oo ilaalisa khayraadkooda iyo danahooda.

Waxaa kaloo xusid mudan saamaynta dagaalka dhaqaalaha ee ka dhaxeeya shiinaha iyo reer galbeedku gaaray heerkii u xumaa, kadib marikii ciriiri ama gaabis ku yimid khayaraadka dabiigica, sida kalluunka, beeraha, shidaalka iyo gaaska dabiiciga oo dhaqaalaha dunida intiisa badani ku tiirsan tahay.  Taasi waxay sabab u noqotay, in caalamka oo idil u tafa xaytaan ama ku tartamaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen dalalka gaar ah ee qaaradda Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo ku taal goob halbowle u aha dhaqaalaha iyo amniga caalamka. Waxaa xusid mudan, in dagaalka dadban ee Soomaaliya lagu hayo ay qeyb yihiin qaar ka mid ah waddamada khaliijka, oo iyagu u arkaya in qorshaha Turkiga ee Soomaaliya ku wajahan khatar dhanka dhaqaalaha kaga imaanayso, sidaa daraadeed dowladaha khaliijka sida Sucuuudiga, Imaaraadka iyo Qatar waxay ku qasbanaadeen in ay danahooda gaar u ah ka fushadaan Somaaliya.

Soomaaliya waxay u nugushahay fara galinta, sababo la xirrira: 1. Goobta ay ku taal oo muhiim u ah gacanasiga xorta ah ee caalamka iyo dhanka ammaanka 2) Itaal xumida baahsan ee dhanka dowladnimada, 3) dadkeeda oo waddaniyaddu ku yar tahay, walina helin dibu-heshiisiin baahsan oo dhab ah, 4) Siyaasiyiin aan lahanayn aragti fog lahayn, oo ka shidaal qaata dowlado cadown ku ah Soomaaliya.    Akhristoow, haddii xaajo sidaa tahay, shaqsi Baasaboor shisheeye wata ma badbaadin karaa Soomaaliya?

soow ma cadda in aan madax wadata baasabooro shisheeye aanay badbaadin karin Soomaaliya. Sidaa awgeed, waa in shacbi-weynaha Soomaaliyeed aayahooda ka tashadaan, madaxada maanata lagu qasbaa in ay ka tanaasulaan baasaboorrada shishyeeye, ama xilka iska casilaan. Waana in lagu daro dastuurka in xilaka madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha iyo Gudoomiyayaasha labada aqal aanay u tartami Karin shaqsiyaad haysta baasaboorro shisheeye. “Nin labo-labeeyey ma talin”

W/Q: Cabdullahi Rooble: Xeeldheere falanqeeya siyaasadaha Soomaaliya iyo caalamka. Kala xiriir: aarobe@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET