Madax-banaanida ay ku dhawaaqday Puntland ma la mid tahay midda Somaliland?

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa Isniintii ku dhawaaqay in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madax-banaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.

“Inta laga dhammeystirayo wada-xaajoodyada dowladda federaalka iyo dowladda Puntland, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland waxay dhiggooda dowladda federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri qoraal dheer oo kasoo baxay maamulka Puntland.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madax-bannaan.

Haddaba, dhawaaqan kasoo yeeray Puntland ma lamid yahay midka ay soddan sano ka hor wadadiisa qaaday Somaliland?

Marka indho kale lagu fiiriyo bayaanka kasoo baxay Puntland, waxa uu meesha ka saaraya in maamulka Deni uu xiligaan rabo madax-banaani (gooni isu-taag) lamid ah midka ay Somaliland ku doodeysay 30-ka sanno.

Bayaanka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxa loo adeegsaday “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed” taasi oo weli muujineysa in mowqifkoodan uu yahay xod-xodasho siyaasadeed iyo gorgortan cusub oo maamulka Saciid Cabdullaahi Deni uu ka leeyahay rabitaano ku xadidan doonis gaar ah.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxay fallan-qeeyayaasha qaarkood qabaan in uu mowqifkaan cusub ku cadaadinayo madaxda dowladda federaalka, oo shirkii u dambeeyay ee ay yeesheen ku kala kacay.

Marka la eego dalabaadka Saciid Deni ee kasoo laabashada mowqifkaan cusub waa mid sii cadeynaysa in rabitaankan uusan laheyn qorshe iyo aragti fog toona.

Puntland ayaa weli illaalinaysa midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaankii Isniitna, waxayna diyaar u tahay inay xoojiso doorkeeda dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, ayada oo ka duulaysa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka.

Kaarka dowladnimada Puntland iyo in si madax-banaan u dhaqmi karto waa mid ay dhowr jeer hore usoo xoqdeen madaxdii ka horeysay Saciid Cabdullaahi Deni, kuwaasi oo xiligaasi uu khilaaf soo kala dhex galay dowladda dhexe.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale arrintaan fahamsan, ayada oo madaxdeedu ka dhawaajisay in ay ku wajahi doonaan wada-hadal, si looga gaaro is-faham arrimaha ay tabanayaan madaxda maamulka Puntland.