Daawo: Kacdoonka shacabka Muqdisho oo si rasmi ah u billowday maanta + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbax billow ah “Kacdoonka Shacabka Muqdisho” ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow ee magaalada caasimada ah. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay bannaan-baxa ay bulshada Caasimadda Muqdisho ay kaga soo horjeedaan argagixisada Al-Shabaab ayaa xusay gumaadkii iyo mahadhooyinkii ay khawaarijtu u geysteen shacabka Soomaaliyeed. 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay qaraxyadii Hotel Shaamoow, Hargaha iyo Saamaha, Soobbe1 iyo Soobbe 2, Ex-afgooye iyo gumaad-wadeerdyo badan oo argagixisadu ay ku gumaadeen arday, culimmo, haween, dhakhaatiir iyo haldoor badan oo Soomaaliyeed oo waxtar u lahaa dalkeenna. 

“Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen, waxa ay ku dhex dhuumanayeen shacabka Soomaaliyeed, iyagiina waa diideen oo intaas ka badan uma dulqaadan karaan gumaad, baad iyo cabburin. Nimankan Alshabaab ah ilaa aad iska dhiciso kuuma arkayaan dad in aad tahay ee waxay kuu haystaan badeecad yar oo iyagu leeyihiin in aad tahay,” ayuu yiri madaxweynaha. 

“Kuwa lacaga baadda ah siiya Khawaarijta cudur-daar malahan. Dowladdu dhawaan waxa ay soo bandhigidoontaa Xisaabaad badan oo Khawaarijta dhaqaale loogu dirayay, Taleefanno badan oo lacag looga xawilay iyo Tallaabooyin kale oo loo qaaday dagaalka ka dhanka Dhaqaalaha Khawaarijta,” ayuu yiri. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay duruufaha amni ee u gaarka ah Caasimadda Muqdisho iyo dadaalka dowladdu ay ku bixinayso sidii ay nabad iyo xasillooni ugu noolaan lahaayeen bulshada caasimadda ayaa ku boorriyey baraarugga ay muujiyeen ee ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab iyo garab istaagga halganka xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, soona gudbiyaan xogta argagixisada ku dhex dhuumaaleysanaysa guryahooda iyo ganacsiyadooda, si looga hortago gumaadka iyo falalka arxan darrada ah ee khawaarijtu ay soo maleegayaan.